Marka Caqligu Shaqayn Waayo, Qiyamka Ayaa Luma!

0
220

Dalka Talyaaniga sanadkii 1325 waxa dagaal aad u xumi dhex maray labada magaalo ee Modena “iyo” Bologna”, dagaalka aya bilowday ka dib markii koox ka tirsan ciidanka magaalada Modena ay ka xadeen baaldi loox ka samaysan magaalada Bologna.

Nasiib daro dadkii magaalada Bologna ayaa arinkaasi u arkay xaqiraad iyo in la yaraysanayo waxaana ay ka codsadeen dadkii Modena inay usoo celiyaan baaldigaasi loox ka samaysan, laakiin Modena dadkii degenaa may dhegaysan codsigaasi, ka dib waxa labada magaalo wax dhex maray dagaal aad u xoogan badan oo cadho xoog lihina ka dhex guuxayso.

Dagaalkan ayaa socday muddo 12 sano , waxaana yaab leh inkasta oo dagaalkaasi dhiig badan lagu daadiyay inaan haddana la soo celin baaldigii looxa ka samaysnaa. Baaldigaasi ayaa ilaa maanta yaalla taalada ku taalla magalaada Modena. Taasi oo lagu xusuusto xasuuqii uu sababay baaldigaasi looxa ahi muddo 12 sano ah.

Leave a Reply