Rugta Ganacsiga oo Shaacisay Wakhtiga ay Qabanayso Carwada Ganacsiga JSL

0
238

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, Jamaal caydiid Ibraahin ayaa si rasmiya u shaaciyey goorta la qabanayo bandhigga carwada ganacsiga ee Somaliland. Guddoomiyaha rugta ganacsiga oo uu wehelinayo xoghayaha rugta ganacsiga Ibraahin Ismaaciil Cilmi oo shalay si wada jira shir jaraa’id ugu qabtay xarunta rugta ganacsiga, ayaa sheegay in 15-ka bisha soo socota la qaban doono carwada ganacsiga ee Somaliland, waxaana uu guddoomiyaha rugta ganacsigau ugu baaqay dhammaan ganacsatada reer Somaliland inay si ballaadhan uga qaybqaataan. “Ganacsatada, qolyooyinka wax soo saara ee dhanka warshadaha, shirkadaha isgaadhsiinta, shirkadaha dalka wax keena, waxa aanu ku wargelinaynaa in aanu qabanayno carwo-sanadeedkii, aanu kal hore siinay gobolka togdheer, maantana aanu ku qaban doono gobolka Maroodi-jeex, gaar ahaan magaalada hargeysa, annagoo sidii ay nooga barteena fududayn doona hawlihii bandhiggan.” Ayuu yidhi guddoomiye Jamaal caydiid

Waxa uu sidoo kale sheegay in carwada sanadkan ay ku martiqaadeen dalalka Somaliland la jaarka ah ee ka mid yihiin Jabuuti iyo Itoobiya. “Waxan kaloo ku wargelinayaa dawladaha jaarka ah, sidii ay uga soo qaybgeli jireen inay uga soo qaybgalaan, oo sida carwooyinka caalamiga wax-soo-saarkooda ay waddanka keenaan, la siin doono cashuur dhaaf marka ay iibiyaana wixii usoo hadha ay la noqon doonaan, balse marka hore ay soo wargeliyaan alaabta ay keenayaan iyo nooca ay keenayaan, Waxaanay carwada sanadkani qabsoomaysaa 15-ka bisha February ee nagu soo aaddan.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, Jamaal caydiid Ibraahin

Somaliland ayaa sannad kasta waxa lagu qabtaa bandhigga carwada ganacsiga oo ay soo agaasinto rugta ganacsiga Somaliland, taasi oo lagu soo bandhigo wax-soo-saarka dalka iyo waxyaabaha kale ee dibedda laga soo dhoofsho.

 

 

Leave a Reply