Berbera Somaliland: Horumarka Xarunta Ganacsi ee Geeska Afrika”

0
324

Aagga ganacsiga xorta ah ee Berbera wuxuu soo jiidanayaa maalgashadayaasha caalamka

Hargeya (Dawan)- Mashruuca horumarinta Dekedda Berbera iyo hamiga Ganacsi ee xukuumadda Somaliland ayaa lagu tilmaamay mid dib ugu soo celin kara saaxadda siyaasadeed ee Geeska Afrika. Maadaama oo ay Jamhuuriyadda Somaliland raadinayso aqoonsi siyaasadeed iyo madax-banaani.

Maqaal ay qortay warbaahinta caalamiga ah ee en.qantara.de oo ciwaan looga dhigay “Berbera Somaliland: Horumarka Xarunta Ganacsi ee Geeska Afrika” ayaa lagu sheegay in horumarka ballaadhan ee ay samaysay dekeda Berbera ay calaamad u tahay xasiloonida iyo nabadgelyada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland oo ku dhex-taalla mandaqad qalafsan.

“Shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa hawlaheeda shaqo ku ballaadhisay Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo mashruucani uu qayb ka yahay qorshe lagu doonayo in Somaliland oo ka go’aday Soomaaliya inteeda kale laga dhigo xarun ganacsi ee ugu weyn Geeska Afrika. Taas oo sabab u noqon karta in Somaliland miisaan siyaasadeed yeelato,” ayaa lagu yidhi Warkan oo uu qoray Jonas Gerding.

Maxamed Caateeye oo ah maareeyaha ku-meel-gaadhka ah ee terminalka Berbera tan iyo 2021-kii, markaas oo xarunta dib loo furay laba sanno oo dib-u-habayn ah ka dib ayaa warbaahinta en.qantara.de u sheegay sidan “Muddo aan fogayn ka hor, dejinta markabka weyn ee konteenarka ah waxay ahayd hawl adag qabashadeedu.”

Caateeye waxa uu tilmaamay in wareejinta shixnadaha iyo konteenarada dekeda Berbera ay aad kor ugu kacday qalabkan cusub ee dekeda laga hawl-geliyay Afar sanno ka hor awgeed waxaanu yidhi “Hawl-wadeenada Dekedda Berbera waxay awoodeen inay xakameeyaan toddoba konteenar saacaddii. Hadda waxaan sameyn karnaa 30 saacadiiba. Markaa waxaad arki kartaa farqiga iyo boodada weyn ee aanu samaynay”

Ka hor inta aan la cusboonaysiin, Dekedda Berbera waxa ay qaadi karaysay oo keliya ilaa 150,000 oo koontiinar oo 20 cagood ah sannadkii. Awoodda hadda waxa ay ku dhowdahay afar laab, waxaana jira qorshayaal lagu balaadhinayo ilaa 13 jeer xamuulkii hore ee la qabtay.

Aagga ganacsiga xorta ah wuxuu higsanayaa inuu soo jiito maalgashi caalami ah. Balaadhinta Dekedda Berbera waxa maalgelisay shirkadda DP World oo ah shirkad caalami ah oo dhinaca saadka ah oo fadhigeedu yahay Dubai. Shirkadda oo ku takhasustay saadka xamuulka, hawlaha dekedaha, adeegyada badda iyo goobaha ganacsiga xorta ah, waxay shirkaddu dano ganacsi ku leedahay 34 waddan oo ay ka mid yihiin 12 ka mid ah Afrika iyo Bariga Dhexe.

Mashruuca horumarinta dekeda Berbera Ka dib wejigii koowaad ee balaadhinta, waxaa hadda socda wejigii labaad, kaas oo ay ka mid yihiin in la kordhiyo oo la gaadhsiiyo 1,000 mitir iyo in lagu daro toddoba wiish oo kale. Waxa kale oo ay shirkaddu dejisay waxa ay ugu yeedho Aagga Dhaqaalaha Berbera – oo ah goob ganacsi oo xor ah oo ujeeddadeedu tahay in ay soo jiidato maal-gashi iyo shaqo abuurka warshado kala duwan.

Somaliland ayaa ka go’day Soomaaliya 1991-kii, waxayna tan iyo xilligaas u dhaqmaysay sidii dal madax-bannaan, inkastoo aan la aqoonsanayn caalamka. Heshiiska lala galay DP World waxa uu u abuuri karaa dardar hor leh oo gobolka ka go’ay ee ku wajahan aqoonsiga.”

 

 

 

 

 

Leave a Reply