Hadalka Wanaagsan Waa Akhlaaqda Fiican!

0
495

Gabadhiisa oo aad ugu qaylo badnayd ayaa ka codsatay inuu warqad ugu qoro dhaqanada xun xun ee ay leedahay si ay u bedesho, iyadoo u sheegtay inay arinkaasi ka doonayaan ururka jimciyadda haweenka ee ay ka tirsan tahay, waxaana ay u sheegtay inuu warqadda uu qorayo gal ku xidho oo aanu iyada tusayn sida jimciyadu ka doonayso.

Ninkaasi ayaa warqadii ku qoray “ Waxaan ku jecelahay gabadhayda sidaasi, kumana arko waxa tilmaamo xun xun ah oo aan sheego”. Gabadhii ayaa qaaday warqadii oo xidhan sidii ay jimcyadda dumarka ee ay ka tirsanayd ka codsadeen.

Maalintii ku xigtay marki uu gurigiisa ku soo noqday ayuu la kulmay gabadhiisa oo taagan albaabka hortiisa oo ku sugaysa oo madiibad ubax ku jiro gacanta ku haysa, markii uu soo gaadhay ayay iyadoo ilmayanaysa faraxad darteed u dhiibtay.

Waxa gabadha yaab ku noqday sida uu ninkeedu amaanta weyn ku siiyay bulshadii dumarka hortooda oo warqad kasta oo la akhriyay ay noqotay tii ugu wanaagsanayd bulshada hortooda.   Marki ay wada sheekaysteen ayu ku yidhi “ Anigu waan ogahay ceebaha aad leedahay oo badan , laakiin waxaan ogahay in dawadeedu aanay ahayn inaan dadka u sheego”.

Gabadha ayaa wixii maalintaasi ka danbeeyay akhlaaqda tii ugu wanaagsnayad kula dhaqantay, sababtuna waxa ay ahayd amaantii sixirka ahayd ee uu u qoray taasi oo ahayd mid aan u qalmayn wakhtigaasi.

Leave a Reply