Waxgarad Beeniyay Dacaayado Laga Fidiyay Dekeda Cusub ee Maydh

0
193

Myadh (Dawa) Waayeelka iyo Waxgaradka Degmada Maydh ayaa beeniyay dacaayado laga fidiyay Dhismaha cusub ee Dekeda Maydh ee dhawaan xadhiga laga jaray.

Waayeelka iyo Waxgaradka Degmada Maydh oo Warbaahinta qaranka la hadlay ayaa waxa ay been aan sal iyo raadtoona la hayn ku tilmaameen warar laga faafiyay Dekede cusub ee Maydh.waxaana hoosta ka xariiqeen in ay dhamaystiran tahay Degmada Maydh oo aanay waxba qabin dhismaheedu.

Waxa kale oo ay ku amaaneen Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed sida uu iskaga xil saaray hirgalinta Dekeda Maydh.isla,markaana ay tahay Dekeda Maydh mashruucii ugu balaadhnaa ee Xukuumadda ka fulisay Gobalka Sanaag.

Sidoo kale Waayeelka iyo Waxgaradka Degmada Maydh ayaa waxa ay uga mahadnaqeen hirgalinta iyo dhamaystirka Dekeda Maydh Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,waxaana ay tilmaameen in loogu talo galay Dekeda Maydh in ay ka faa,iidaystaan dadka ku nool bada iyo xeebaha Sanaag.

 

 

 

 

Leave a Reply