Qorshaha 2023-2025 iyo qorshaha sannadkan ee Baanka oo laga hadlay

0
218

Hargeysa- Gudoomiyaha Baanka Dhexe Eng Cali Cabdillahi Daahir ayaa sheegay in bulshada qorshe yeelata ay horumar gaadho, mar uu soo xidhay kulankii qorshe diyaarinta baanka dhexe shalay.

Gud Cali oo shalay soo xidhay munaasibad lagaga doodayey qorshaha muddada dhexe ee 2023-2025 iyo qorshe-hawleedka 2023 ee Baanka dhexe oo ka soo qeybgaleen daneeyaasha dhaqaalaha ayey ka soo qeybgaleen aqoonyahano kala duwan iyo hawlwadeenada Baanka dhexe.

Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Mukhtaar Cabdi Quule ayaa sheegay inay sannadka bilaabi doonaan hawlaha baanka Ganacsiga (Commercial Bank).

Md. mukhtaar ayaa sheegay in masuuliyadda Baanka dhexe ku xussan tahay xeerarka uu leeyahay.

Gudoomiye-xigeenka Baanka Dhexe Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in baanka dhexe leeyahay hawlwadeeno dhalinyaro ah aqoon leh oo qorsheyaal diyaarin kara.

Gudoomiyaha Baanka Dhexe Eng Cali Cabdillahi Daahir oo hadal ka jeediyey madasha ayaa sheegay in qorshaha Baanka Dhexe ee sannadaha soo socda laga dheehan doono habdhaqanka madaxda.

Gudoomiyaha ayaa kula dardaarmay madaxda iyo hawlwadeenada baanka dhexe in qofwalba waajibaadkiisa kaga soo bixi karo daacadnimmo iyo iskaashi.

“Qorshaha baanka dhexe ma noqon doono mid waraaqaha inoo yaala, balse mid inna haga oo wax walba ku dhaqanto.

 

 

 

 

 

Leave a Reply