Tababar loo Qabtay 90 Macalin oo ka shaqayn doona Tayaynta Manhajka Dugsiyada Hoose Dhexe

0
398

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa ku hawlan sidii loo tayayn lahaa Manhajka dalka korna loogu qaadi lahaa tayada waxbarasho ee dalka.

Dedaaladan oo uu hormood u yahay wasasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno iyo masuuliyiinta xafiiska Manaahijta Qaranka ayaa muddooyinkii u danbeeyay ku hawlanaa diyaarinta khubaro iyo maclmiin loo xulayo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada manhajka dalka iyo guud ahaan waxbarshadaba.

Xafiiska Manaahijta Qaranka ayaa iyaguna dhankooda ka wada dedaalada lagu tayaynayo Manhajka waxbarashada qaranka, waxaanay tababar u fureen 90 macalin iyo aqoonyahan kale oo ka shaqayn doona dib u eegis lagu samaynayo manhajka, tababarkan ayaa socon doona mudo maalmo ah.

Agaasimaha xafiiska Manaahijta qaranka Maxamed Cali Cumar (Gaas) ayaa qaabiley 90-ka macalin ee ka shaqayna dib u eegista manhajka Qaranka Somaliland.

Agaasimaha xafiiska manaahijta oo la hadley macalimiintaasi ayaa u sharaxay siday u shaqaynayaan iyo waxyaabaha looga baahanyay inta ay shaqadu socoto si loo helo wada shaqayn dhamaystiran, isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu macalimiinta kula dardaarmay sidii ay ugu tabarucu lahaayeen aqoontooda waxna u gashan lahaayeen qarankooda.

Macalimiintan ayaa shaqayn doona muddo 40 cisho ah kuwaasi oo ah aqoonyahankii dalka wax ka dhigaayay isla markaana markii horeba ahaa macalimiintii qayb laxaadle ka qaatay manhajka diyaarintiisa iyo aqoonyahano kale oo wasaaradda waxbarashadu u qaadatay inay macalimiinta kala shaqeeyaan dib u eegista manhajka dugsiyada hoose/dhexe.

 

Leave a Reply