Halista Adeega Xun Iyo Macmiilka!

0
311

Gabadha  Maraykanka ah ee lagu magacaabo Muna Showe oo da’deedu ahayd 75 sano ayaa sanadkii 2007, tagtay isla markaana gudaha u gashay xafiiska xarunta dhexe ee shirkadda Comcast oo  shirkadaha bixiya adeegga Internetka iyo telefishanka ka mid ah.

Islaantan ayaa aad u cadhaysnayd isla markaana gacanta ku sidatay dube  kaasi oo ay la dhacady  dhamaan qalabkii xafiiska yaallay, iyadoo sheegtay inay aad uga cadhaysnayd adeeg xumada ay macmiilka ku hayso shirkaddani iyadoo halkaasi ku burburisay Computaro iyo qalab kale.

Waxa kale oo iyana arimaha ay dadku aad ula yaabi jireen ka mid ah in madaxweynihii saddexaad ee dalka Ugandha Ciidi Amiin Daada oo xukunka dalkaasi xukumayay sanadkii 1971, ilaa sanadkii 1979 uu aha madaxweyinihii ugu badanaa derejooyinka laga horaysiiyo magaciisa waxaana la sheegay in marka Idaacadu magaciisa sheegayso ay ugu dhowaqui jiren sidan : “ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ugaandha, Cimrigiisu ha raage Mudane, Dr. Marshall, Professor Haji “Idi Amin Dada” oo ah halyay Ka guulaystay Boqortooyada Ingiriiska” ,  Intaasi marka laga horaysiiyo ayaa la sheegi jiray waxa uu maalintaasi qabtay “His Excellency President Lifelong Marshall, Professor , Haji.Dr “Idi Amin” Conqueror of the British Empire. Iidi Amin wuxu ku dhintay Jidda sanadkii 2003.

 

 

 

Leave a Reply