Wasiir ku xigeenka Gaadiidka oo Digniin Dul-dhigey Wadayaasha Gaadiidka

0
201

Hargeysa (Dawan) Wasiir ku xigeenka wasaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxamed, ayaa fariin adag u diray dirawaliinta gaadiidka ee u kala goosha gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland, waxaanu ugu baaqay in ay soo dhammeystirtaan sharciyada gaadiidkooda.

Waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka qayb galayaan ololaha sharci ururinta gaadiidka dalka oo uu xusay in laga bilaabayo baraha kaantarool ee laga soo galo magaalooyinka waa weyn, waxaanu intaas raaciyay in qofkasta ay soo taabanayaan liisankiisa, buugiisa iyo cashuurtiisa.

Cabdinaasir Caydiid Maxamed wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, waxa uu tilmaamay in ololahan uu sirasmiya dalka oo dhan uga bilaabmayo kowda bisha soo socota haddii ILLAAHEY yidhaahdo, waxaanu ka codsaday dirawaliinta gaadiidka wata in qofkasta wixii Dhukument ah ee ka dhiman uu soo dhammeystirto.

Gaba’gabadii waxa uu ka codsaday qofku haddii uu isagu gaadhi kaxaysanayo iyo haddii uu qof kale u dhiibayo intaba in waxa kaliya ee laga rabba uu yahay, taasina ay tahay mid laga rabo in gabi ahaanba wadayaasha gaadiidku u hoggaansamaan.

 

 

 

Leave a Reply