Weedha Wargeyska: Weedhihii Isimada iyo Waxa Laga Filayo Shirka Laascaanood?

0
287

Tan iyo markii shaqaaqadu ka dhacday Magaalada Laascaanood Indhaha muwaadiniinta ku dhaqan gudaha iyo dibada dalka waxay ku foogganaayeen xaalada magaaladaasi oo marba marka ka dambeysa soo wanaagsanaanaysa hadda, kaddib xiisadii ka dhalatay Dilkii Cabdifataax Hadraawi oo sababay gadood shacbi oo lagaga soo horjeeday dilalkii qorshaysnaa ee ka dhacay halkaasi.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo tix-gelinaysa xoriyadda shacbiga iyo xasiloonida Magaaladaasi waxay deddaal badan ku bixisay sidii shacbiga gadoodday u degi lahaayeen, waxaanay ogolaatay wax kasta ay dalbadeen ama ay doonayeen. sida inay sii wataan banaan-baxyada iyagoo xor ah, inay kulamo abaabulan qabsadaan oo ay kaga tashadaan arrimaha nabad-gelyada ee gobolka iyo inay iyagu dhexdooda wax iska waydiiyaan sababta keentay dilalka, iyadoo dawladdu talaabo kasta oo amniga lagu sugayo qaaday.

tanaasulka ay xukuumaddu u samaysay bulshada reer Sool, gaar ahaan xaalada Laascaanood waa mid gaadhsiisan heerkii ugu sareeyey, iyadoo ficillada dhacay qaarkood aanay suurto-gal ka noqdeen qaran lamida Somaliland, haddana ilaalintii dastuurka iyo danaha dalka waxa ay dawladdu ka doorbiday inay debecsanaan iyo dulqaad u yeellato hab-dhaqan kasta oo ay sameeyeen dadkii shacbiga ahaa ee gadoodday, waxaanay taasi ka turjumaysaa lexejeclada iyo u-dhibirsanaanta ay u hayso bulshada wax tawday ee magaaladaasi degen oo haddaan sidan loo yeellin dhibaato badan la kulmi lahaa.

Waxyaabaha ay Xukuumaddu sida kalsoonida leh u ogolaatay waxa kamida in Isimada dhaqanka ee gobollada Sool iyo Buuhoodle gabi ahaanba soo wada galaan Magaalada, looguna soo dhaweeyo si xor ah oo waafaqsan afkaartii siyaasaddeed ee ay badankoodu dibad-joogga uga ahaayeen gobolka, waxaanay dawladdu soo-dhaweynta Isimada ka gudatay waajibaadkeedii sugida amnigooda iyo nabad-gelyada Magaalada, iyadoo si milgo iyo maamuus leh loogu soo gelbiyey gaadiidkii Ciidanka Qaranka, isla markaana la ilaalinayey nabad-gelyadooda.

Dawladda waxa kale oo ay ogolaatay, isla markaana ay shuruud laโ€™aan ku fasaxday shirweynaha Aayo-ka-tashiga ah ee uga furmay Laascaanood Isimada dhaqanka iyo guddida metelaysa bulshada gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodleย  Sabtidii todobaadkan, kaasoo ay ku taageertay wax kasta oo kaga aaddanaa siduu u qabsoomi lahaa, wax faro-gelin iyo kharbudaad ahna aan kala kulmin xukuumadda iyo cid kale oo gacan-togaalaysay toona.

Maslaxada iyo wanaaga ay xukuumaddu u fidisay qabsoomida shirkaasi waxa laga dhehanayey, caddeynna innoogu filan jawigii kalsoonida iyo degennaanta ahaa ee uu ku furmay, shucuurtii farxada iyo reyn-reyntu ku dheehnayd ee ay kaga soo qaybgaleen ergooyinku iyo waliba weedhihii turxaan laโ€™aanta iyo tudhaaluhu ka muuqday ee ay jeediyeen badi Garaadada ama madaxdhaqameedka ka hadlay munaasibadii lagu furay, iyadoo ajandihiisana lagu sifeyn karo qaabsamidii uu ku bilaabmay.

Hadallada miisaanka iyo micnaha weyn lahaa ee ku jiray khudbadaha ay ka jeediyeen Madaxda dhaqanku waxa kamid ahaa in qof kasta oo madasha shirka ka soo xaadiray uu liqo wixii uu aaminsanaa iyo afkaartii uu qabay intii aanu goobta soo gaadhin, loona baahan yahay in bog cusub oo bilow ah la furro, laguna salleeyo ajandaha shirka, iyadoo si qoto dheer looga tashanayo aayaha ummadda ee shirka loo qabtay ee mustaqbalka la xidhiidha iyadoo laga duulayo marxalada lagu jiro, taasoo uu michaneedu yahay in aan isin iyo oday toona loo tixgelinayn waxa uu aaminsan yahay, Koox iyo shakhsiyaad toona loo gacan bidixaynayn arragtidooda, balse si caqli, cilmi iyo aqoon ku dhisan loogu meel-dayayo masiirka iyo maslaxada bulshada goboladaas ku dhaqan. Qodobadaasoo ah kuwo ka-tashigoodu u baahan yahay ka-baarraan deg, bisayl iyo laab-furnaan.

Mid kamida kelmada ugu qarrada weyn ee madasha laga jeediyey waxa yidhi Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo isagu fidiyey gogosha shirka โ€œwaar maanta ma cidbaa innaga maqan oo aanu idiin doonaa? Salaadiinta, Aqoonyahanka iyo cuqaasha, ayaa idinka maqan? Ayuu waydiiyey golaha waxaana loogu jawaabay โ€œMaya mayaโ€.

Isagoo sii wata waxa uu intaa raaciyeyย  โ€œwaxa innaga reeban talo kasta oo cadiifad ku dhisan, waxa laynaga doonayaa in aan masiirkooda ka talino umaddeena degen kunka Kiiloomiter ee laba jibaaran oo aan ugu talino wixii u dan ah, sidaas awgeed qof kastaaba wixii uu aaminsanaa iyo wixii uu jeebada ku watay ha liqo, wixii halkaa aynu kaga talino ayuunbaa innoo bilow ahโ€ ayuu yidhi Garaad Jaamac Garaad ismaaciil oo ay khudbadiisu ahayd mid dareen qoto dheer oo waayeelnimo, waaqic xogogaalnimo iyo waanno odaynimo xambaarsanayd, kuna dhamayd xigmad iyo xallil-danneed.

Isimada kale ee madasha ka hadlay waxay iyaguna muujiyeen dareen ka duwan weedhihii ay jeediyeen maalmihii la soo dhaweynayey oo ay qaarkood ereyo xanaf leh ku tiraabeen, waxaanay intooda badan waafaqeen marinka Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ku taxaluqay mustawe dhaqan iyo samo-talis. Waxaana arrintaasi daaha ka rogtayย  farqi weyn oo u dhexeeya hadalladii didmada abuuray ee hore uga soo yeedhay Isimada qaarkoodย  iyo mowqifka dhabta ah ee in umaddaasi loogu taliyo ku haboon. Waxaana sababaha keenay taasi qayb ka ah firaaqa iyo xoriyada balaadhan ee ay Dawladdu siisay dadka iyo odayaasha shirkaasi u fadhiya oo ay waliba xukuumaddu diyaar u tahay inay wax ka qabato, kana shaafido tabasho kasta oo ay qabaan mid siyaasaddeed, mid nabad-gelyo iyo mid horumarba, iyadoo laga duulayo hadafka loo dhan yahay ee maanta oo ah fursad aan hore innoo soo marin.

Sidaas darteed, haddii ay isweydiimo ka alloosan yihiin maxaa laga filan karaa gunnaanadka shirka galay maalintii saddexaad? Sida caadiga ah, islamarkaana dhaqanka iyo Diinteena suubbani ina fareen waayeel taliyey wixii laga suggaaba waa wanaag iyo inuu xaajo maslaxaddeed ibbaha u furro,arrintaasina waa mid looga bartay oo dhaqan u ahayd umadda reer Somaliland abidkeedba.

Waxaana hubaal ah in Odayaasha iyo aqoon-dheerta halkaa ku kulmay talin doonin wax umadda alle wax ka dhaxaysiiyey kala geynaya, yihiina dad dul iyo deeqba eebbe ku manaystay oo aan cuqdad iyo ciil qab toona caloolshoodu qaban.

Sidaasoo ay tahay marnabaย  qaranka Jamhuuriyadda Somaliland kama filayo war naxdin, dhiilo iyo dhibaato horseedaya inuu ka soo baxo madasha shirka Laascaanood ee ay fadhiyaan cuquushii iyo caalimyadii bulshada balaadhan ee degen gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ah umad asal iyo abtirsiin u leh samo-talisnimo, qabka iyo tudhaale. Asal ahaan umadda ay metelayaan waa dad sooyaal guurtinimo iyo garqaadasho caan ku ah.

Sidaas awgeed, Isimada shirka fadhiya waxaan ku waaninaynaa inay doc iyo darafba ka jiraan talo-samaantooda, isla markaana soo saaraan goโ€™aamo waxgaradnimo iyo waayeelnimo ku qotoma oo ka turjumaya aayahaย  mustaqbal ee dadka iyo deegaanka ayย  hormuudka u yihiin, dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa kula dardaarmaynaa in ay sii wado deddaalka ay ku ilaalinayso in shisheeyuhu ka faaโ€™idaysto dareenka umadda Dalka wada leh.

ย 

 

 

 

 

Leave a Reply