Siyaasiga Maxamed Jaamac oo ka Hadlay Xaaladda Laascaanood

0
304

Hargeysa (Dawan) Siyaasiga Maxamed Jaamac Cabdi oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadlay Xaalada guud ee gobolka Sool, gaar ahaan xaaladda ay hadda ku jirto Magaalada Laascaanood iyo shirka dhaqan ee maalmihii ugu dambeeyay halkaasi ka socday.

Maxamed Jaamac Cabdi oo shalay u waramayay qaar ka mida Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in xalka Laascaanood yahay in la wada-hdalo, xaaladda jirta lagu dhameeyo miiska wada-hadalka, isaga oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xaalada Gobalka Sool sida loo buunbuuninayo maaha oo xogaa cadho ahi way iska jirtaa. Somaliland sannadkii 1991-kii ayay ku kulantay Magaalada Burco waxa la go’aan saday in Somaliland la wada yeesho, kacdoonku waxa uu ka yimid dadka la dilay ee la waayayo wixii dilay, waxaana aan odhan lahaa garaadada ciil qab laguma taliyo lagumana tashado”.

Maxamed Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Somaliland ayaa gacanta ku haysa Gobalka Sool, wax weyna maaha Magaalo ayaa calan lagu buufiyay, Maamulkii Somaliland ayaa gacanta ku haya, intaas oo ciidana ayaa jooga, Siyaasada Mandaqadu aqbali mayso Gobal Somaliland ka go’aya in la sameeyo iskuna raaci maayaan Garaadada gobolku. kacdoonku xaqiiq maaha xalka lagama maarmaanka ahi waxa weeye Dhulbahate in uu Somaliland la hadlo oo Maamulka sida loo qaybsanayo laga wada tashado

Leave a Reply