“Gobolka Sool waa Soomaliland Wixii Tabasho Ahna Waa In Xukuumada Lagala Hadlo

0
260

Odayaasha iyo wax-garadka deegaanka Sama-kaab ee Gobolka Sool oo ka hadlay xaaladda Laascaanood

 “Shirkii Laascaanood waxaa muuqata inuu dhinac kale u leexday iyo arrimo Koonfur…”

 Samo-kaab (Dawan): Madax dhaqameedka, odayaasha, waxgaradka, Haldoorka iyo dhalinyarada deegaanka Samo-kaab ee gobolka Sool ayaa soo dhaweeyay khudbadii uu madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi kaga hadlay xaaladda gobolka Sool.

Madax dhaqameedka iyo odayaasha ayaa waxa ay sheegeen in talada gobolka Sool loo daba fadhiisto xukuumadda Somaliland, isla markaana ay xukuumadu ku amaanan tahay sida aanay u farro gelinin shirka beelaha uga socda magaaladda Laascaanood.

Xubnahan madax dhaqameedka, iyo odayaasha Samo-kaab, oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa tilmaamay in mar kasta laga fogaado waxyaabaha dhaawacaya wada jirka ummada iyo dawladnimadda. Sidaas darteedna wixii tabasho ah ee jirta lagala tashado xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Qaar ka mid ahaa odayaashii iyo waxgaradkii halkaa ka hadlay ayaa sheegay sida ay u taageersan yihiin siyaasad ahaan, iyo dhul ahaanba Jamhuuriyadda Somaliland.

Mid ka mid ahaa madax dhaqameedkii halkaa ka hadlay waxa uu yidhi, “Beel weynta tuullo Samakaab haddii aanu nahay shirkayaga jaraa’id wuxuu daaran yahay nabad geliyo, mar na ba ku talin mayno colaad. Colaada na ninka ku deg degaa wax ba kama taro. Ninka nabadda xajiya ayaa colaada na wax ka tarra”.

Sidoo kale waxaa isna halkaa ka hadlay xubin ka mid ahaa odayaashii shirka jaraa’id qabtay, wayaanu yidhi, “Waxaan u mahad celinayaa xukuumadda Somaliland oo arrintii Laascaanood ka dhacday, si wanaagsan ka yeeshay banaanka na uga baxday. Garraadadu-na haday gobolkoodii isugu yimaadeen, oo ay gogol na dhigeen, oo weliba Garraadkayagu dhigay. Sababta uu garraadkayagu gogosha nabadeed u dhigayna waxay ahayd in nabad-geliyada looga tashado, arrimaha gobolka Sool.

Dhibaato iyo dagaal gogosha nabadeed looma dhigin, Dhulbahante na maamta wuu la tashaday aayihiisa, waana in dawladda Somaliland la la xisaabtamo, oo wax la la qaybsado, oo wadahadal dawladda la la yeesho, waa na in wixii shaqaaqo ah ee dhacday la ga wada hadlo.

Dawladda Somaliland na maanta diyaar bay u tahay arrintaasi, oo madaxweynuhu waa kii ka hadlay.”

“Nabad baanu ku baaqaynaa, nabad baanu doonaynaa, dagaal na mq gelayno. Laakiin, wixii tabasho ah diyaar baanu u nahay, in dawladda Somaliland laga wada hadlo. Shirkii Laascaanood na waxaa muuqata inuu dhinac kale u leexday, oo arrimo Koonfur ina ga ag yimid ayuu xagoodda u leexday. Cid la khaldayaa na ma jirto, Somaliland ayaa na wadanka ka talisa, wax baanu la aqaybsanaynaa, iyadaana nu wax la leenahay” ayuu mid ka mid ahaa odayaashii halkaa ka hadlay.

 

Leave a Reply