Habeenkii Dhawaaqa Beenta Ah!

0
273

Codbixinta ka dib, xidhiidhka WFM waxay waraaqo u direen maamulka shirkadaha macdanta iyagoo ka dalbanaya inay shir la qaataan; Laakiin maamulayasha shirkadu waa ay diideen codsigii xidhiidhka shaqaalaha.  Sidaa awgeed ururka “WFM” ayaa shaqo joojin ugu baaqay xubnaha shaqaalaha bishii July 23, 1913.

Macdan qodayaasha ayaa shaqo joojinta sii waday ilaa ay soo gashay ciida kiristaanka, iyadoo markaa shaqo joojin soo taxnayd muddo shan bilood.  Habeenimadii ciidda Kirismaska, in badan oo ka mid ah shaqaalaha macdan qodayaasha ee shaqo joojinta sameeyay iyo qoysaskooda waxay ka soo qayb galeen xaflad Kirismas ah oo ay maal galineysay xidhiidhka shaqaalaha.

Xafladda oo ka dhacaysay dabaqa labaad waxa uu lahaa hal jaranjaro oo laga koro oo keliya, waxa kale oo jiray goob badbaadada dabka ah oo tayadeedu liidato oo dhinac kaga taallay dhismaha iyo salaan dhinaca danbe ku yaallay oo lagu gaadhi karo marka daaqadaha laga koro. Sida awgeed dhismuhu badbaadin fiican ma lahayn haddii xaalad dab ka bilaabanto.

Habeenkaasi Waxa hoolka buux dhaafiyay 400 oo qof oo lagu martiqaaday munaasabadda kuwaasi oo ahaa shaqaalaha macdanta qoda iyo xaasaskood, The hall was full of guests who came to celebrate a festive atmosphere. Waxa is qabsaday madadaalada qosolka iyo farxaddu ka muuqatay ka qaybgalayaasha kuwaasi oo ku wareegayay geedka kiristaanka oo lagu qurxiyay midabo nalal ah oo kala duwan.

Xafladda iyo dabaal dega ayaa ku bilaabmay jawi farxad iyo maaweelo badan, waxaana diyaar ku ahaa sharaabkii iyo cuntadii habeenkaasi xafladda loogu talo galay, dabaqa labaad. laakiin farxaddii habeenkaasi ayaa isu bedeshay masiibo naxdin badan oo ay dad badani ku hoobteen.

iyagoo farxadda lagu jiro ayuu nin qaylo dheer ku dhuftay isagoo ku dhawaaqayay “ Waa dab… Waa dab …. hala is badbaadiyo”.  Dhamaan dadkii waxa ku habsatay naxdin iyo argagax, waxa ay bilaabeen inay u ordaan dhinaca albaabka, halkaasi oo ahayd meesha keliya ee ay kaga baxsan karaan dabka.

Dhamaantood waxa ay isku cidhiidhyeen albaabka madaama uu ahaa mid aad u yar, waxaana ka dhacday masiibo ay ku dhinteen 73 qof  oo 59 ka mid ahi ay caruur ahaayeen.

Waxase yaab iyo amankaag ahayd in aanu jirin haba yaraate dab huteelka ka kacay, xataa Qiiqa muujinaya suurtogalnimada dabka ayaan muuqan, isla markaana aanu jirin wax bixinaya urta dabka ah.

Illaa iyo maanta, dood badan ayaa ka taagan yaa ku qayliyay  “waa dab” iyo sababta. Waxa ay rumaysan yihiin taariikhyahannada qaarkood in dad ka soo horjeeday ururada shaqaalaha ay arintaa sameyeen si ururku loo baabiiyo.

Waxaa kale oo iyana jiray baadhitaano dhowr ah oo ku saabsan musiibada. Laakiin baadhaha loo xilsaaray arintaasi ayaa markhaatiyaasha oo aan ku hadlin Ingiriisiga ku khasbay inay su’aalaha kaga jawaabaan  Ingiriisiga, inta badan markhaatiyaasha lama waydiin su’aalo dabagal ah oo muhiim u noqon ogaanshaha cidda sababtay masiibada……

 

Leave a Reply