Dhahar: Xukuumadda Somaliland oo Digniin u Dirtay Maamulka Puntland

0
142

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta reer miyiga Somaliland Axmed Aadan Guray, ayaa maamul gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland uga digay in ay diwaangalinta doorashada ka samayso deegaanka Dhahar, isaga oo taageertay diidmo ay shacabku ka muujiyeen qaadashada kaadhka codaynta Puntland.

Axmed Aadan Guray wasiirka wasaarada horumarinta Reer Miyiga Somaliland, sidoo kale waxa uu ka hadlay mudaharaad dadka deegaanka degmada Dhahar ay ku diideen in ay qaataan kaadhka codaynta Puntland, waxaanu maamulka Puntland ugu baaqay in ay go’aanka shacabka ixtiraamto.

Waxaanu yidhi.”Waxan hadda shir saxafadeedkan u qabtay, in dadku waxayna doonayn aan lagu qasbin, dadkani way tashadeen, go’aan bay gaadheen, go’aanka ay gaadheena iyaguna kama noqonayaan, kuwa doonaya in ay socodsiiyaana u suuroobi mayso”

Waxa uu sheegay in bulshadu go’aan ku gaadhay in aanay Puntland deegaankooda wax diwaangalin ah kasamayn, kadibna maamulka Puntland uu xoog shacabka u isticmaalay, kadib markii ay shacabku diideen in ay qaataan kaadhadhka codaynta dowlad goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Waxa uu Puntland uga digay in ay cabudhiso shacabka, waxa uu sheegay in uu Puntland usoo jeedinayo in aanay waxyeelayn amniga deegaanada, isla markaana ay ka waantoobaan faro gelinta ay ku hayaan gudaha degaanada Somaliland.

 

 

Leave a Reply