Maayer Mooge oo soo Kormeeray Jid loo Dhisay Degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May

0
202

Hargeysa (Dawan) Duqa caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge ayaa kormeer indha indhayna ku tagey ku sameeyay jidka loo sameeyay degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May oo dhammaad ku dhaw.

Cabdikariim Axmed Mooge duqa caasimada Hargeysa ayaa sheegay in magaalada Hargeysa loo asteeyo in ay noqoto caasimadii Jamhuuriyadda Somaliland, ay u baahan tahay dadaal aad u badan, lacag aad u faro badan, waxaanu intaas raaciyay in adduunku Somaliland hagraday, balse waxa uu tilmaamay haddii bulshada reer Somaliland tashadaan oo iskuduubni la yimaadaan, isla markaana ay ka go’naato in magaaladooda ay dhistaan, in ay caddahay in kuwa guulaysanaya ay yihiin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in jidka loo dhisay degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May, laga hirgeliyay cashuurtii ay dadku bixiyeen, isla markaana gaadiidka dhismaha jidkan ka qaybqaatay ay ka caawisay hay’adda waddooyinka Somaliland.

Waxa uu bulshada reer Somaliland ka codsaday in midnimo iyo walaaltinimo ay la yimaadaan si wakhtiyada adag la iskaga kaashado, waxa uu intaas raaciyay in ay guul muuqata gaadheen mudadii sannadka iyo badhka ahayd ee ay hayeen hayeen xilka golaha degaanka ee degmada Hargeysa, kuwa iyaga ka danbeeyaana wixii ay qabteen uu hal xidhaale ku noqon doono.

Leave a Reply