“Rabbi, lafihii Waa Ay Idaciifeen, Madaxiina Waa Cirroobay”

0
157

Asbaabta dhamaanteed waxa ay hor qotonta Nebi Sekeriya (cs). Waxa uu doonaya Wiil, laakiin dariiqa xalka ma hayo. Maxaaa yeelay, Lafihiisa ayaa tababar gabay , madaxiisana waa ciroobay, Xaaskiisuna waa madhalays!

Haddii xaaladahan iyo asbaabtan oo dhami jiraan xagee ayu ka imanaya wiilka uu doonayo Sekeriya? Sekeriye waxa uu ogaa in uu Allah (sw) wax kasta awood u leeyahay. Markii uu qalbigiisa ka saaray asbaabta. Waxa uu qalbigiisa ku xidhay Allah (sw) oo keliya , waxaana soo gaadhay  fariintan qiimaha badan : “   “Sakariyow, waxa aan kuugu bishaaraynaynaa wiil magaciisu yahay Yaxye.”

Waxa uu ah Nebi Sekeriya oday da’ ah oo gaboobay, laakiin waxa uu si dhab ah u baryay Allah (sw) wax kasta awoodda u leh fulintooda, waxaana uu siiyay Wiilka uu doonayay in uu dhalo. Itaal daradaadu maaha caqabad, haddii Allah (sw) ogolaado in uu ku siiyo.  Qofka si xaqiiqa oo dhab Allah (sw) ugu kalsoonaada waxa uu fudadiiyaa Mucjisooyinka”

Leave a Reply