Wasaaradda Waxbarashada oo Sadex Degmo ku Wareejisay Maamulida Waxbarashada Dugsiyada Hoose

0
264

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland ayaa qaar ka mida degmooyinka dalka ku wareejisay maamulida waxbrashada asaasiga ah ee dugsiyada hoose.

Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha arrimaha gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo waxbarashada Cabdirisaaq Jaamac Nuur ayaa masuuliyiinta dawladaha hoose ee sadexdaas degmo ee la wareegay maaulka waxbarashada asaasiga ah u soo jeediyay in ay xil iska saaraan masuuliyadaas ay qaadeen, kuna dadaalaan sidii ay u horumarin lahaayeen waxbrashada degmooyinkaas ay masuulka ka yihiin.

Maayarka caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, maayarka magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi iyo maayar ku xigeenka Berbera Nuur Cabdi Jaamac ayaa ballan qaaday in ay si hufan u maamuli doonaan waxbarashada asaasiga ah ee degmooyinkaas ay masuulka ka yihiin, waxaanay wasaaradda waxbarashada uga mahadceliyeen go’aanka ay kuq aadatay in waxbarashada la daadajiyo, degmooyinkuna ay maamulaal waxbrashada asaasiga ah.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno ayaa sheegay in degmooyinka ay wasaaradda waxbarashadu ay ku wareejisay waxbarashada aasaasiga ah ay kala yihiin degmooyinka Hargeysa, Berbera iyo Gabiley, waxaanuu wasiirku intaas uu ku daray in waxbarashada degmooyinkaasi tahay ta dugsiyada hoose ee dawlada iyo ta gaarka loo leeyahayba.

Axmed Maxamed Diiriye Toorno wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland waxa kaleoo uu sheegay in wasaaraddu arrintaas u go’aansatay in waxbarashada loo dhaweeyo bulshada, loona daadajiyo maamulkeeda degmooyinkaas, waxaanuu wasiirku tilmaamay in arrintaas tahay tallaabo mudan in la soo dhaweeyo, iyadoo wasaaradda waxbarashaduna ka warhayn doonto sida degmooyinkaas u maamulaan waxbarashada.

Leave a Reply