Xikmado
- Wanaagga ninku waa raganimada, Wanaagga gabadhuna waa hooyonimada, Wanaagga caruurtuna waa baarrinimada, Wanaagga habeenkuna waa xasiloonida.
- Luuqadda ugu xoogga badan dunida wakhtigan waa aamuska.
- Farriinta ugu saamaynta badani waa oohinta iyo ilmada
- Jileeca badani waa liidasho, Qosolka badani waa xaqiraad, Raaxaysiga badani waa fadhiidnimo. Taxadarka badani waa shaki, hinaasaha joogtada ahi waa waali.
- Karaamada ugu weyn ee qof lagu sheegaa waa edebta.
- Kelmada ugu adag ee lagu dhawaaqaa waa dhamaystirnaanta.
- Ereyga ugu macaan ee dhego maqlaan waa nabadda.
- Ereyga ugu dambeeya adduunku waa geeri.
- Aarsiga ugu fiicani waa cafiska.
- Dabka ugu kulul ee qof gubaa waa xiisaha.