Duqa Caasimada Caasimada oo Dhagaxdhigay Beer Nooceedu ku Cusub Yahay magaalada Hargeysa

0
624

Hargeysa (Dawan) Duqa caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa markii u horaysay magaalada Hargeysa ka dhagax dhigey beer loogu talo galay in caruurtu ay nasiimo ku soo qaataan kuna ciyaaraan wakhtiyada ay fursada haystaan, waxaanu sheegay in beertani ay wax weyn ka tari doonto dhiirigelinta ciyaarta caruurta caasimada.

Hirgelinta beertan waxa iska kaashanaya dawladda hoose ee Hargeysa iyo hay’adda UN HABITAT JPLG, waxaana garoonka laga binaynayo beertan ku deeqay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland.

“Waan ku faraxsanahay in ubadkeenu helayaan beer iyaga u gaar ah carruurtu meesha ay rabaan in ay ku ciyaaraan way ka duwan tahay kuwa dhallinyaradu ay ku ciyaaraan.

Beertani waxa ay noqonaysa meel ku habboon in ilmayari ku ciyaaro, wax allaale wixii adeeg ilma yari ku ciyaarilahaana waa looga sameynayaa, waanu uga mahadcelinayna hay’adda UN HABITITE, in mashruucan oo ka mida JPLG, in halkan lagu tijaabiyo, oo nasiib wanaag aynu helo wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha oo aan aad iyo aad uga mahadnaqayo, in garoonka halkan ku yaala ay yidhaahdaan halaga sameeyo oo halaga dhigo garoon carruureed”

Sidoo kale waxa uu sheegay in beertan ay xooga saari doonaan sidii ay u maamulilahaayeen, una xafidilahaayeen wixii qalab ah ee loogu talo galay in ay ubadku ku ciyaaraan.

Waxaanu yidhi.“Waxaanu xoogayaga isugu gayn doona sida loo maamulayo, kuguulaysano sida loo xafidayo, kuna guulaysano sida loo xafidayo qalabka halkan la dhigayo, marka danbena dawladda hoose awood u yeelato, kolba shaygii xumaada in ay dawladda hoose dayactirto.

Waan naaxa markaan arko jidkii Hargeysa Bay Bus, dadkeenii iyo carruurteeniba halkaasi wada tagayaan”

 

Leave a Reply