Go’aamada Shirka Wada Fulay!

0
401

Sanadkii 1901, 2aad bishii December, waxa ka furmay magaalada Basel, ee dalka Switzerland, shirweyne ay qabatay bulashadii Yuhuudda ahayd ee Yurub iyo Maraykanka deganayd. Go’aanadii Shirkaasi waxa ka mid ahaa in dawlad Yuhuuddu leedahay laga sameeyo dhulka Falastiin oo wakhtigaasi uu gumaysan jiray Ingiriisku.

Waxa kale oo go’aamada shirkaasi ka mid noqday in si ay taasi u hirgasho la sameeyo sanduuq qaadhaan oo lacag lagu ururiyo ka dibna lacagtaasi  lagu iibsado guryaha iyo dhulka Falastiin ee Bulshada Carabtu leedahay , mulkiyadoodana ay la wareegaan dadka Yuhuudda ah ee dhulkaasi degan iyo kuwa u guuraya.

Waxa kale oo shirkaasi lagu go’aamiyay in dadka Yuhuudda ee aan shaqayn ee dhulkaasi degan dhamaantood la  shaqaaleeyo. Qorshaha Qodobka kale ee muhiimka ah ee shirkaasi ayaa isna ahaa in muddo 50  sano gudahood laga sameeyo dhulkaasi dawladda dadka Yuhuudda ahi leeyihiin.

Qodobadii shirkaasi lagu gaadhay ayaa dhamaantood fulay , iyadoo sanadkii  1948 ay heleen dal iyo dawlad u gaar ah dadka Yuhuudda, taasi oo ay weliba ka sameeyeen dalkii Falastiin ee ay qorsheeyeen inay ka dhistaan dawladooda.  Dhulkaasi dadkii Falastiin ee deganaa maanta waxay ku hoos nool yihiin dawladda Yuhuuda halka kuwo kale oo badani iskaga qexeen.

 

 

 

 

Leave a Reply