Xikmadaha

0
426

Saamax, Oo Farxad Ku Noolow!

  • Hadaad rabto inaad farxad ku noolaato muddo gaaban aargooso, haddii aad doonaysid inaad mudo dheer ku noolaatana saamax u same dadka.
  • Caaqilku waa qofka carbakiisu ka danbeeyo maskaxdiisa, nacaskuna waa kan carabkiisu ka horeeyo maskaxdiisa
  • Dadku waxay arkaan xanuunka jidhkaaga ka muuqda laakiin ma arkaan xanuunka ruuxdaadu la il daran tahay.
  • Kan dadka ugu caqli badani waa kan isu haysta inuu ugu xikmad yar yahay.

 

  • Iska jir in khalad aad mar gashay maskaxdaada ka bixi waayo , waayo wuxu ka horjoogsanaya inaad dadaal danbe samayso oo cabsi ayuu kugu abuurayaa. Ka qaado cashar ka dibna iska ilow.
  • Laabteyda ugama baqo raxan libaaxya ah,  ee dhabarkayga ayaan uga baqaa Ey khaayina.
  • Dadka ugu farxada badan noloshu waa dadka wax bixiya  maaha kuwa qaata
  • “Isku day inaad noqotid Cad-ceeda , hadaad noqon waydana Isku day inaad noqotid Dayaxa ,hadaad noqon weydana Isku day inaad noqotid xidigaha Laakiin noqo xidiga xidigaha ugu iftiinka badan “…
  • Dadku waa hanti aan la goyn karayn
  • “Hadyadda ugu qaalisan ee aad qof siin kartaa waa waqtigaaga. Marka aad waqtigaaga bixinayso waxaad huraysaa qayb noloshaada ka mid ah oo aanad dib u helayn”.
  • Badwaynta halista badan waxay soo saarta dabaalyahano xeeldheer
  • Dadka U furfur wajigaaga waxaad helaysaa niyadooda, hadalkana u debci si ay kuu jeclaadaan, oo u naxariiso si ay kuu qadariyaan.

 

Leave a Reply