Meyd Qadiimi ah oo jiray 600 oo sanno ayaa laga helay Shandad

0
223

Booliiska dalka Peru ayaa helay arrin lama filaan ah kadib markii ay baadheen nin ah dadka Alaabooyinka qaada (dhaweeye), ninkaas oo sakhraansanaa ayaa Booliiska ugu yimi goob lagu kaydiyo waxyaabaha qadiimiga ah oo ku taal  magaalo la yidhaahdo Puno.

Baabuur uu watay ayey baadheen Qaboojiye saarnaa waxa la yaab noqotay markii ay ka heleen Shandad ama Boorso weyn oo ku jirtay qaboojiyaha waxaana ku jiray Meyd qadiimi ah oo dhintay wakhti hore.

Ninka ayaa sheegay in uu qolkiisa ku haystay Maydka oo ku tuubnaa faashad ama Balastar waxaana uu sheegay inuu u haysto  “nooc saaxiib oo ruuxi ah”. Meydka ayaa lagu tilmaamay Lab, waxaana da’diisa lagu qiyaasay 45 jir, markii la qiyaasay wakhtiga la Aasay waxa lagu sheegay inuu dhintay 600 ilaa 800 oo sano ka hor.

Hadhaaga Meydka ayaa ku jiray Bac iyo Kafan cad, waxa uu sheegay inuu u soo qaado inuu saaxiibadii tuso, sida uu yidhi.

Waxa uu ku naanaysay Juanita wuxuuna intaa ku daray inuu Aabihii ka dhaxlay oo uu Aabihii haysan jiray, balse muu sheegin sida uu Aabihii ku helay. isaga oo ku jira sanduuq qolkiisa ku yaal, oo TV-ga ku xiga. Waxa uu intaa ku daray in uu Aabihii lahaa, isaga oo aan sheegin sida ay ugu soo dhacday Aabihiis.

Meydka Labka ah oo dhererkiisa lagu sheegay 1.51m(4ft 11in) waxa lagu duubay jidhkiisa Balaster waxaana la mariyey dufan. Sida ay khubaradu sheegeen waxay u muuqataa Aasitaankii xilligii Pre-Hispanic ama Aasitaankii ka horeeyey intaan dalkaas aanu qabsan gumaysigii Isbaanishku.

Dadka reer Peru ayaa ku dhaqmi jiray dhaqamo kala duwan marka la eego Aasida dadka dhinta ka hor intaanu iman guumaystihii Isbaanishka. Meydadka qaar ayaa la aasay jiray halka kuwo kalena dibadda loo soo saari jiray oo lagu soo bandhigi jiray xafladaha muhiimka ah.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay Hadhaaga maydkan uu ku sidday boorsada waxaanay u gudbiyeen wasaaradda dhaqanka ee dalka Peru, taas oo ilaalisa dhaxalka dalkaas.

Ninkan oo ay gaadhiga la saaraayeen laba nin oo ay saaxiib ahaayeen da’doodu u dhaxeyso 23 ilaa 26 sano jir ayaa la xidhay waxaana laga baadhayaa dambiyo ka dhan ah hidaha iyo dhaqanka dalka Peru.

 

 

 

Leave a Reply