Wasaaradda Deegaanka iyo Hay’adda EUCAP oo iska Kaashanaya Hirgelinta Xeerka Illaalilnta Deegaanka Badda

0
168

Hargaysa (Dawan): Masuuliyiinta wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda Somaliland ayaa shalay qaabilay wefti ka socday ururka Midawga Yurub gaar ahaana haayadda loo yaqaanno EUCAP.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Shurki Xaaji Ismaciil Baandare, agaasimaha guud ee wasaaradaasi Maxamed Cabdilahi Ducaale iyo qaar ka mida agaasime waaxeedyadda wasaaradaasi.

Halka sidoo kale na weftiga ka socday ururka Midawga Yurub, uu hogaaminayay madaxa xafiiska Somaliland ee haayadda EUCAP Mr. Brendan Kenny, oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan haayadda EUCAP.

Kulankaasi waxaa lagaga wadahadlay sidii la iskaga kaashan lahaa ilaalinta iyo horumarinta Deegaanka Baddaha ee jamhuuriyadda Somaliland, maadaama oo haayadda EUCAP ay wasaaradda Deegaanka Somaliland kala shaqayso arrimaha ilaalinta iyo horumarinta Badda.

Waxaan si gaara diirrada loogu saaray kulankaasi sidii Xeerka Ilaalilnta Deegaanka Badda la iskaga kaashan lahaa, iyo kor-u-qaadida tayada shaqaalaha Waaxda Ilaalilnta Deegaanka Badda, ee wasaaradda Deegaanka JSL.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ahaa oo ay waaxda warfaafinta ee wasaaradda Deegaanka Somaliland ka soo saartay kulankaasi dhex maray masuuliyiinta wasaaradda, iyo madaxda haayadda EUCAP.

Geesta kale haayadda EUCAP ayaa ka mida haayadaha ay wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland ka wada shaqeeyaan arrimaha ilaalinta deegaanka gaar ahaana deegaanka Baddaha.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply