Gudidda Heer Qaran ee Caafimaadka Maanta oo ka Hadlay waxyaabihii u Qabsoomay

0
153

Hargeysa(Dawan):- Gudida heer qaran ee caafimaadka maanta ayaa  shalay kulankoodii saddex biloodka ahaa ku yeeshay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Kulankaas oo ay kula xisaabtamayeen  waaxda caafimaadka Maanka oo ay ka soo qayb galeen wasiirada xubnaha ka ah gudida caafimaadka Maanka ee heer Qaran,xubno ka socday shirkadaha ka ganacsada qaadka iyo xubno kale.

Shirka ayaa lagaga hadlay waxyaabihii  waaxda caafimaadka maanka u qabsoomay iyo tallaabooyinka ay qaadayaan.

Gudida caafimaadka heer qaran oo ay xubno ka yihiin wasiirada wasaaradaha caafimaadka,maaliyadda,diinta iyo awqaafta iyo shaqo gelinta,ayaa kulanka ay la yeesheen waaxda caafimaadka Maanka ee wasaaradda caafimaadka waxaa wax la iskaga waydiiyay waxyaabihii u qabsoomay waaxdaas.

Agaasimaha waaxda caafimaadka maanka ee wasaaradda horumarinta caafiimaadka Dr Yacquub oo  ugu horrayn shirkaa ka hadlay ayaa yidhi. “shirkani wuxuu ka mid yahay shirarkeenii caadimagaa ee saddex biloodka ahaa ee gudidda caafimaadka maanka ee heer qaran ay kula xisaabtami jireen waaxda caafimaadka maanka oo shaqo ahaan hawshaa gacanta ugu haya.shirkeenii kan ka horreeyay talooyin badan ayaa nloo soo jeediyay oo nala siiyay taasina waxay keentay in aanu wax badan ka bedelno sidaanu u shaqaynaynay oo aanu shirkeenan usoo agaasinno si ka duwan sidii hore,markaanu soo jeedino waxqabadkayagii iyo caqabadaha kale ee jiraba waxaan dhegaysan doonaa waxyaabaha ay gudidu soo jeediso.

Intaa ka dibna in la galo doodii iyo talooyinkii gudida iyo ansiintii xeerka.” Ayuu yidhi Dr Yacquub

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in kulankaasi uu yahay kii ugu horreeyay ee ay isugu yimaadaan,waxaynu kaga hadlaynaa saddexdaa bilood ee innaga tegay waxyaabihii inoo qabsoomay iyo qorshaha daddex biloodkan inoo bilaabmay iyo in aynu wax iskaga waydiino  caqabado yar yar oo jira oo loo baahdo in gudidu go,aan ka gaadho intii uu bilaabmay mashruucani waa mashaariicda sida habsiamida ah u socda iyadoo la eegayo shirarka qorshaysan iyo adeegyada loo qabanayo dadkeena maanka ka xannuunsanaya,runtii waxaynu ku guulaysanay in aynu gaadhno gobolada dalka oo dhan,waxany abuurnay mashruuc fidinaya daawayn iyo daryeel oo  bixinya adeeggaa daawada iyo daryeelka ah ee ay u baahan yihiin dadkeena maanka ka xannuunsanaya,guud ahaan dalka oo dhan waxaa ka jira xarumo daawayneed oo lagu daaweeyo dadkan waxaynu samaynay dhismeyaal iyo cisbitaalo aynu ka samaynay meelhii aan hore u lahayn waxaynu wax ka qabanay cisbitaaladii hore oo aynu dayactir joogto ah  oo aynu ku samayno Cisbitaalada Dhimirka,waxaa jira raashin la siiyo dadkaa maanka ka xannuunsanaya waxaa kale oo jira adeeg wacyi gelineed oo ay waaxdu waddo,adeegyadaas oo dhan haddaan wax la iska waydiin oon la joogtayn waxaa ku imanaya habacsanaan markaa shirkeenani wuxuu muhiim u yahay in aynu waaxda iyo wasaaradd ba kula xisaab tanno waxyaabihii u qabsoomay.”

Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi oo ka hadlay shirka saddex biloodka ah ee ay ku kulmeen waaxda caafimaadka Maanka ee wasaaradda caafimaadka iyo gudida heer qaran ee caafimaadka maanka iyo waxyaabaha ay diirada ku saareen,waxaanu yidhi. “shirkeenani wuu ka duwanaa shirarkii hore aynu u yeelan jirnay waxaanu ahaa shir aynu kaga hadalnay qodobo muhiim ah oo la xidhiidha shaqada ay waaxdaasi hayso,maalin kasta waxbaa inoo kordhaya oo waxnaynu ka baranaynaa shaqada aynu hayno markii hore waaxda xoog ayaa loo naqdiyay waaxda laakiin waxaa marag ma doon ah in waaxdu ay xoog u shaqaysay,marka loo eego waaxaha kale ee wasaaradda waaxdu shaqo wayn ayay qabatay xoogna way u shaqaysay.”

 

 

 

Leave a Reply