Hargeysa:Aas Qaran oo lagu Sagootiyay Marxuum Ismaaciil Buubaa

0
292

Hargaysa (Dawan): ALLE  ha u naxariistee waxaa shalay aas qaran lagu sagootiyay marxuum Ismaaciil Maxamuud  Hurre Buubaa, oo dhawaan ku geeriyooday dalka Turkey.

ALLE  ha u naxariistee Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa muddo aad u dheer ku soo jiray guud ahaanba siyaasadda Soomaalida gaar ahaana Somaliland, isagoo ka soo qayb qaatay halgankii SNM, isla markaana ka mid ahaa aasaaseyaashii jamhuuriyadda Somaliland.

Ka hor intii aanu siyaasadda ku soo biirin marxuum Buubaa, waxa uu muddo dheer soo ahaa barre sare  oo jaamacadeed wamadda UK, USA, iyo Sucuudi Carabiya, isagoo  waxbarashadiisa ku soo qaatay dalalka Maraykanka, iyo Ingiriiska.

Marxuumka oo shalay aas qaran lagu  sagootiyay qubuuro ku yaalla Koonfurta caasimadda Hargaysa, waxaa aaskiisa ka qayb galay xubno ka mida golaha wasiirrada Somaliland , siyaasiyiin, guddoomiyaha xisbiga UCID, madax dhaqameed, culimaw-diin, xildhibaanno, ganacsato, odayaal, waxgarad, iyo dadweyne kaloo fara badan.

Waxaanay masuuliyiintaasi ugu horayn tacsi u direen eheladda, qoyska, qaraabadda, qaranka Somaliland, iyo guud ahaanba qoomiyadda Soomaalida  oo uu muddo dheer u soo shaqeeyay.

Waxay sheegeen masuuliyiintii aaska ka qayb galay in mudadii uu noolaa uu bulshadda reer Somaliland uga soo shaqeeyay laba kaalmood oo waaweyn, kuwaasoo kala ahaa waxbarashadda, iyo siyaasadda, isagoona lagu majeertay inuu labadaba xirfad iyo karti u lahaa, isla markaana uu si weyn oo muuqata uga soo shaqeeyay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, oo ka mid ahaa wasiirradii ka qayb galay aaska marxuum Buubaa, ayaa ka sheekeeyay taariikhda ALLE ha u naxariistee marxuum Buubaa. Waxaanu sheegay inuu ka mid ahaa aqoon yahamiintii ka qayb qaatay aasaaskii jabhadii SNM.

Maxamed Kaahin, ayaa sheegay in marxuumku uu ka mid ahaa aqoon yahamiintii u soo halgamay Somaliland, isagoona ka mid ahaa aasaaseyaashii ururkii SNM.

“Ismaaciil, wuxuu ka mid ahaa raggii halgankii SNM ka soo qayb qaatay. Dadkii wax bartay, ee macalimiinta ahaa mudooyinkii hore ayuu ka mid ahaa. Qaranka na (Somaliland) wax buu u soo qabtay, halgankiisii na wuu ka soo qayb qaatay, ALLE SWT ha u naxariisto” ayuu yidhi wasiir Maxamed Kaahin, oo ka sheekaynayay taariikhda marxuum Ismaaciil hurre Buubaa.

Sidoo kale waxaa taariikhda marxuum Ismaaciil Hurre Buubaa, ka waramay general Jidhif, oo ay ka soo wada tirsanaayeen jabhadii SNM. Waxaanu sheegay inuu ka mid ahaa aqoon yahamiintii aasaaskii SNM bilaabay, isagoo ku biiray sanadkii 1982-kii.

Geesta kale maarxuum Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii qaybta weyn ka soo qaatay aasaaskii jamhuuriyadda Somalilad, isagoona soo nqoday wasiirkii u horeeyay ee xukuumadii madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur).

Waxa kaloo uu Ismaaciil Hurre Buubaa, xilal wasiirnimo ka soo qabtay dawladii ku-meel-gaadhka ahayd ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan. isagoo na noqday wasiirka Arrimaha dibadda.

Marxuumka ayaa ifka kaga tegay 8 carruur ah oo uu dhalay oo kala ah 5 wiil iyo saddex hablood,waxaanu guursaday 6 dumar ah sida ay xaqiijiyeen qoyskoodu.

 

Leave a Reply