Hargeysa(Dawan)Xildhibaan Xasan Sheekh Furre oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa sheegay in shacab iyo dawladba loo taagan yahay difaaca dalka Somaliland.
Xasan Sheekh Furre ayaa waxa uu tilmaamay in aan la saamaxayn wixii qaranimada Somaliland ka hor yimaada,isla,markaana cidna looga habranan.
Xasan Furre oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Qaranimada Somaliland cidna looga habran maayo taako xadka ka mida lagama bixi karo,waa go,aan shacab difaaca qaranka waa loo taaganyahay.hadii aanu qof ka hadhayn wixii qaranimada Somaliland ka hor yimaada lama saamaxayo,wixii shacabka Laascaanood waxyeelayna qaranku ka hadhi maayo waxbaana laga qaban doonaa,”.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxa uu fariin u diray maleeshiyaadka Puntland ee dagaalka u yimid Magaalada Laascaanood.Waxaana uu yidhi”Cidii xuduudaha ka soo talawday ee magac qabiil ku timid Magaalada Laascaanood ee Qaranka Somaliland soo farogaliyay qaranka ka hadhi maayo,wixii Somaliland gadaheeda waa wax aanu dhamaysan karno.maamulka Puntland dagaal ayaa inaga dhaxeeya xaaladu dalku aad iyo aad ayay u wanaagsantahay meel aad u wanaagsan way maraysaa,qaranimada Somaliland way sii kobcaysaa waxka nusqaamayna majiro,”.