Hargeysa(Dawan):-Haweenka ku dhaqan dalka Ingiriiska ee reer Somaliland,ayaa kaalmo lacageed oo ay ugu talo galeen in ay ku ciidsiiyaan soo gaadhsiiyay qoysaska agoomaha ciidanka qaranka Somaliland.
Gaashaanle dhexe Saleebaan Jaamac Siciid ayaa uga mahadnaqay haweenk lacagta xaqal ciidka usoo diray Caruurta agoonta ah ee ciidan qaranka.Waxaanu yidhi”Halkan waxa aynu u qaybinaynaa waxogaa lacaga oo aynu siinayno agoonta Ciidamada qaranka,taas oo aanay Maanta ugu horayn ee ilaa intii la aasaasay qurbojoog iyo qolol joogba waalala barbar taagnaa waxtarka Ciidamada qaranka.waxaana loo soo diray agoonta Ciidanka qaranka 3200 oo doolar waana aanu siinay.waxaana ay ahaayeen 12 qoys waanay mahadsanyihiin,haweenkaas deeqda lacagta soo gaadhsiiyay Caruurta ay dhaleen Ciidamada qaranka,”.
Sidoo kale Gaashaanle dhexe Jaamac Xaaji Cali ayaa ku amaanay hablahan lacagta xaqal Ciidka usoo diray agoonta Ciidamada qaranka.Waxaana uu yidhi”Waxa aanu u qaybinay agoomihii ay ka dhinteen ragii qiimaha lahaa ee dhintay ee Ciidamada qaranka Xaqal Ciid ay soo direen hablo Muxsiniina,waana aanu u ducaynaynaa hablahaas.qarankana waynu wada leenahay,”.