Aamus Ama Wanaag Sheeg!

0
123

Waxaa laga weriyay Abuu Hureeyra (Rc):

Inuu yidhi: “Rasuulkii Allah (scw) wuxuu yidhi: “ Qofkii rumeeyay Allah iyo maalinta qiyaamaha ha ku hadlo wanaag (khayr) ama ha iska aamuso, qofkii Allah iyo Qiyaamaha rumeeyay ha xurmeeyo jaarkiisa, qofkii Allah iyo qiyaamaha rumeeyay ha soo dhoweeyo martidiisa.”

( Bukhaari iyo Muslim).

Xadiiskani wuxuu ina barayaa dhaqanka wanaagsan ee ku habboon sharafta qofka muslimka ah, hadalku waa kan dadka kuu soo dhoweynaayaa ama ka fogaynaya, marka qofku waa inuu ka fakiro waxa uu odhanyo intaanu dhawaaqin.  Marka haddii uu doonayo inuu ku hadlo wax khayr leh oo waxtar leh ha hadlo, haddiise uu yahay mid shar ah oo dhibaato u soo jiidaya qofka naftiisa ama bulshada kale ha iska daayo oo ha iska aamuso.

 

 

Leave a Reply