Si Fudud U Gaadh Hadafkaaga!

0
197

Mid ka mid ah dadka cilmiga Aadamaha aqoonta u leh ayaa booqday tuulo ku taalla dalka Koonfur Afrika, waxaana uu u qabtay caruurta uu tuuladaa ku noolayd tartan ciyaareed uu dhexdooda ku maaweeliyay.

Waxa uu soo qaaday Sallad buuxda oo ay ku jiraan khudrad badan oo kala duwan, waxaana uu dhigay geed hoostiis.

 

Caruurtii ayuu u sheegay in ay tartan u gelayaan, qofka u dheereeya ee geedkaas gaadhaana uu qaadan doono seladaasi buuxda ee khudradda ah!.

Markii uu yeedhiyay siidhiga tilmaamayay in tartanku bilaabmay ayay dhammaantood hal mar gacmaha is qabsadeen, si degganna u wada dhaqaaqeen, iyagoo wada jira ayay gaadheen geedkii. Salladii khudradda ahaydna si isle’eg ayay u qaybsadeen.

Aqoon yahanka tartanka qabtay ayaa aad u yaabay, waxaana uu ubadkii waydiiyay sababta ay sidan u sameeyeen, isagoo sheegay in midkii guulaystaa uu qaadan lahaa selladda buuxda ee khudarada ah? Caruurtii ayaa ugu jawaabay erayga “Ubuntu”!.

Kalmadda Ubuntu ayaa luqadda afka Xhosa ee Koonfur Afrika lagaga hadlo macnaheedu yahay “Marka inta kale wax hesho, ayaan aniguna wax helayaa”. Ubadkanina waxa ay sheegeen in ay u nool yihiin inay si wada jir ah wax u helaan.

Leave a Reply