Wasiirka Deegaanka JSL Oo Xadhiga Ka Jartay Wershad Geedka Garan-waaga Ka Samaynaysa Dhuxul

0
145

Qore Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo Isbeselka Cimiladda Somaliland ayaa shalay xadhiga ka jartay wershad geedka Garan-waaga Dhuxul ka samaynaysa oo laga hirgeliyay magaaladda Hargaysa.

Wershadan geedka Garan-waaga Dhuxusha, iyo waxyaabaha kale ka samaynaysa waxaa hirgeliyay muwaadin reer Somaliland ah oo qurbaha ka yimid.

Waxaanay wershadani Garan-waaga, u bedelaysaa waxyaabo fara badan oo ay ka mid yihiin Dhuxusha, Calafka Xoolaha, iyo Cunto ay dadku quudan karaan.

Munaasibad loo sameeyay xadhig ka jarka wershadaasi waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda Deegaanka JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, saraakiil ka kala socday haayadaha UNDP, WFP, Premier Bank, haayaha iyo ururadda maxaliga ah ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka, iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Deegaanka Somaliland Shukru Baandare, oo wershadan si rasmiya xadhiga uga jartay ayaa ka warantay sida loogu baahnaa in laga faa’iidaysto geedka Garan-waaga, iyo muhiimadda ay siinayaan wasaarad ahaan wershadan uu hirgeliyay muwaadinkani.

“Anaga ka wasaarad ahaan waa maalin nagu weyn. Geedkii Gara-waaga, waxay wershadani ka samaysay Dhuxul, Calafkii Xoolaha, iyo Cunto ay dadki quudanayaan. Aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynaa wershadan uu hirgeliyay muwaadinkani” ayay tidhi Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Guuleed Axmed Cabdi, aasaasaha wershadan Garan-waaga Dhuxusha u bedelaysa ayaa ka waramay waxyaabihii ku dhaliyay inuu hal-abuurka wershadan la yimaado, iyo waxyaabaha faa’iidadda leh ee ay soo kordhisay wershadani.

Waxaanu sheegay Guuleed Axmed Cabdi, kadib markii uu arkay dhibaatadda uu geedka Garan-waagu leeyahay inuu go’aansaday sidii looga manaafacaadsan lahaa geedkaasi.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Dhulkeena 90% geedihii waa la jaray. Dhirteenii waxaa ka hadhaya Garan-waa. Geedka Garan-waaga, waan jarnaa, kadib na Dhuxul baan ka samaynaa”.

Waxa kaloo uu sheega Guuleed Axmed Cabdi, in markii fikirka wershadan uu la yumid in ay gacan maalgelineed ka siiyeen Premier Bank, iyo qaar ka mid ah haayadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha bad-baadinta deegaanka.

Geesta kale wershadan ayaa noqonaysa tii u horaysa oo nooceeda ah oo dalka laga hirgeliyo, iyadoo na la filayo in ay wax badan ku soo kordhin doonto wadanka.

Geedka Garan-waaga ayaa dhibaato ku noqday dhulka ama deegaanka labaatankii sanadood ee u danbeeyay, kaasoo aanay jirin haba yaraatee wax faa’iido ah oo uu u lahaa dadka, deegaanka, iyo duunyadaba.

 

Leave a Reply