Shirkii 23aad ee Mashruuca Maamul Daadajinta JPLG oo ka Furmay Boorama

0
84

Hargeysa (Dawan) Shirkii  23aad ee mashruuca maamul daadajinta dawladaha hoose ee JPLG ayaa shalay  ka furmay  Magaalada Boorama.

Madaxa Barnaamijka mashruuca maamul daadajinta dawladaha hoose ee JPLG  Xuseen Maxamuud Jiciir oo hadal ka jeediyay furitaankii shirkan.ayaa waxa uu yidhi”Waa shirkii 23aad ee  Mashruuca JPLG ee ka qabsoomay Magaalada Boorama,

waxa aynu ku falanqaynaa arimaha  taagan ee Maamul daadajinta ee  Mashruuca JPLG haday tahay Caafimaadka Waxbarashada iyo Biyaha”.

Maayarka Magaalada Boorama Maxamed Axmed Warsame oo hadal ka jeediyay halkaaas ayaa waxa uu sheegay in Mashruuca Maamul  daadajinta  muhiim u tahay  dawladaha hoose.Waxaana uu yidhi”Waxa aan idiku  soo dhawaynayaa degmads Boorama waxa shirkan iskugu yimaada cid kasta oo ay khusayso Mashruuca  Maamul  daadajinta,waxaana maamul  daadajinta muhiim u tahay  dawladaha hoose ,farxad ayay noo tahay in shirkani ka qabsoomo Magaalada iyadoo  shirkii ka horeeyay ka qabsoomay”.

Guddoomiyaha Gobalka Awdal  Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro oo isaguna hadal ka jeediyay shirkan ayaa waxa uu soo jeediyay in hoos loo  eego degmooyinka dhaqaalahoodu hooseeyo.Waxaana uu yidhi”Degmooyin  badan ayaa jira oo dhaqaalahoodu aad u hooseeeyo,dawladaha hoose isku wada leefal maaha.qaarbaan waxba  hayn ku waana sigaara haloo eego”.

Sidoo kale  Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye oo hadal ka jeediyay shirkan ayaa waxa uu tilmaamay in ay ka go,an tahay in ay daadajiyaan adeegyada Caafimaadka.Waxaana uu yidhi”Wasaarad Caafimaad ahaan,waxa aanu ku jirnaa Wasaaradaha  daadajinaya  adeegyadii ay Umadda   u hayeen.waxaaana naga go,an in aanu  daadajino adeegyada Caafimaadka,”.

 

 

 

 

Leave a Reply