Sida Aad U Nooshay Waa Fikirkaaga!

0
187

Xaaladaha nolosha ee aynu ku jiro waxaa abuura qaabka aynu u fikirayno. Haddii aynaan isbedel ku samayn qoobka fikirkeena isma bedalayso xaaladda nolasheenu.

Dunidan guudkeeda maaha mid ay nidaamkeeda iyo barwaaqadeeda dad, dalal iyo ummado gaar ahi gooni u leeyihiin.

Dunida Allah (sw) wuxu ku baahiyay khayraad kala duwan oo guud ahaan goob kasta laga helo bad iyo beriba. Laakiin ogow helidda barwaaqada waxa ku dhex qarsoon siro, hal xidhaalayaal iyo password lagu furufuro. Aadamiga dhamaantii Allah (sw) wuxu siiyay laxaad iyo maskax isku mid ah oo si siman ay uga wada faa’iidaysan karaan. Waxaana ay kala noqdeen mid garta oo fahma sida loola macaamiilo nolosha iyo sida looga dhigo mid aqbali karta raabitaankiisa, kaasi oo ku guulaysta ka faa’iidyasiga deegaanka uu ku nool yahay kharaadka ceegaaga.

Waxa kale oo jira mid furaha nolosha aan iskuba deyin inuu helo oo muruq iyo maskax midna aan gelin kaasi oo gaajo, darxumo iyo silic ku dhex nool deegaankiisa. Waxa uu kaasi isku qanciyaa odhaahda:” Halkan nolol ma leh, maxaa yaal?”, eedda wuxu u xambaariyaa meelo kale.

Ogow meel kasta sidaasi ayay ahayd laakiin kuwa ka faa’iidaystay Muruqa iyo maanka ayaa ka dhigay mid nolosha u sahlan. Waxaana jirta xikmad tidhaa: “Happiness and suffering only exist within the mind” . “ Farxadda iyo Silicuba keligood ayay maskaxda ku wada jiraan”. Haddaba ka aad kala soo baxdo maskaxda ayaad la noolanaysaa”.

Allah (SW) waxa Quraanka kariimka ah ku yidhi:“Dhab ahaantii waan karaamaynay Aadamiga waxaanan u xilsaarnay bad iyo barriba oo waxaan ka fadilnay in badan oo khalqiga Alla ka mid ah fadili  buuxda”.  Caqliga ayaa aduun iyo aakhiraba aad kaga faa’iidaysan kartaa goob kasta iyo wakhti kasta oo aad joogto, waana halka la isku dhaafay. Waana inaan toosino awoodda aan xadka lahayn ee maankeena ku kaydsan si aynu isbedel ugu samayno nolosheena.

 

Leave a Reply