Xikmadaha

0
400
  • Iska Jir Masiibada carabka ee isku dirka, Beenta, Xanta, iyo aflagaadaba.
  • Afkaaga ha ku mashquulin wax ka sheegga dadka kale.
  • Qorigu wax qiimo ah ma leh, marka dahabka la barbar dhigo, laakiin marka aad badda ku haligmayso waxaad qabsataa qoriga, dahabkana waad ka tagtaa, sidaa awgeed ma jiro wax aan qiimo lahayn,  tix geli dadka dhamaantood.
  • Haddii adimadaadu ay raad kaga tagaan dhulka carabkaaguna wuxu raad kaga tagtaa qalbiga, waxa guulaystay qofka aan wax dulmiyin, beena aan sheegin.
  • Alskendar oo boqoradii Baabul ka mid ahaa ayaa la weydiiyay: Keeba loo baahan yahay cadaalad iyo geesinimo?, waxaana uu ku jawaabay : hadaan cadaalada hayno waan ka maarmaynaa geesinimada”
  • Marka Allah (sw) ka xidho Albaab, adigoo murugysan ayuu ku furaa mid ka wanaagsan, laakiin dadka badankoodu waxay lumiyaan awoodooda iyagoo ka fikiraya albaabka xidhmay , halkii ay ka eegi lahaayeen albaabka furmaya.

 

Leave a Reply