Wakhtiga Adag Iyo Dareenka Qofka!

0
341

Waxay ahaayeen lamaane safar dhinaca badda ah waيa galay, nasiib daro Markabkii ay la socdeen ayay mawjado baaxad iyo dabaylo ku kaceen waana uu baax degayay.
Naxdinta ku habsatay Rakaabka waxa sii xoojiyay dhawaaqi ka soo yeedhay Capatanka oo sheegay inay noloshu halis ku jirto ka dib markii uu cadeeyay in cimiladu ay aad u xun tahay.
Wax yar ka dib meelo doonida ka mid ah ayay biyuhu soo galeen, taasi oo iyana sababtay oohinta intii beerka jilicsanayd.
Gabadha ayaa dhinaca ninkeed usoo dhowaatay, iyadoo ka yaaban sida aanu ninkeedu werwer badan u qabin waxaana ay ku tidhi : “ Miyaanay ku dhibayn nolosheena halista ku jirta ? “. Ninka ayaa middi uu haystay soo qaaday oo beerka ka saaray, waxaana uu ku yidhi “ Miyaanad ka baqayn inaan kugu gooyo beerka ? “. Iyadoo dhoola cadaynaysa ayay ku tidhi “ Maya, waan ku kalsoonahay in aanad sidaasi yeelayn“.
Ninka ayaa ku yidhi “ Hadda maxaad Allah ugu kalsoonaan weyday sidan si ka sii badan ? Allah isaga haya nabadgelyada aan hadda baahida u qabno

Leave a Reply