- Haddii aad doonto Khayrka minjo u noqo, laakiin sharka madax ha u noqon.
- Geedka waxaa lagu qiimeeyaa midha uu bixiyo, qofkana waxa lagu qiimeeya ficiladiisa.
- Qaladka ugu weyn ee dadku sameeyo waa; waxay dhageystaan kala badh, waxay fahmaan rubuc, waxay sheegaan laba jibbaar wixi ay maqleen ama dhacay
- Dad qaarkii waxay isku dayaan in ay banaanka soo dhigaan wixi kaa khaldan, sababtoo ah uma adkaysan karaan wanaaga iyo waxa fiican ee aad sameynayso
- Marnaba aad ha uga fakirin wixi tagay, waxay kuu keenaysaa murugo.
- Sida baryadu qofka u dullayso ayay deeqsinimaduna qofka u sharaftaa
- Haddii beenta, dhagarta iyo khiyaamadu tahay wax lagu liibaano, Shaydaan ayaa ku liibaani lahaa;
- Haddii aad Sharaf aduun rabto akhlaaqda wanaajiso, , haddaad aakhiro fiican doonaysona akhlaada wanaaji, haddaan labadaba rabto, akhlaaqda wanaajiso.
- Caawi dadka in ka badan inta ay kaa filayaan. Waliba caawi adiga oo jecel in aad caawisid.
- Karaamada iyo weynida qofka waxa lagu qiyaasaa illaa xadka uu diyaar u yahay in uu u naxariisto kuwa khaladka ku sameeya.