3 askari oo Israa’iili ah ayaa lagu dilay meel u dhow xadka Masar

0
207

Iska horimaad ay ku lug lahaayeen ciidamada ilaalada xuduudka Masar ee koonfurta Israa’iil ee ku yaalla xadka ayaa sababay dhimashada saddex askari oo Israa’iili ah iyo sarkaal Masari ah Sabtidii, sida ay saraakiishu sheegeen. Waxay ahayd tusaale naadir ah oo ka dhaca xuduudka.

Lt. Col. Richard Hecht, oo ah af hayeenka ciidamada Israel, ayaa sheegay in dagaalku uu billowday habeen hore markii askartu ay fashiliyeen isku day daroogo oo laga soo waday xadka.

Waxa uu sheegay in dhowr saacadood ka dib ay toogasho ku dileen laba askari oo ku sugnaa goob ay ilaalo ka hayeen. Meydadkooda ayaa la helay rasaasta ka dib, markii jawaab laga waayey qalabkoodii isgaadhsiinta.

Hecht waxa uu sheegay in dilku uu u muuqday mid la xidhiidha isku daygii laga hortagay ee la doonayay in lagu tahriibiyo daroogada. Ciidanka ayaa sheegay in ilaalada xuduudka Masar lagu dilay rasaas labaad oo la isweydaarsaday kaas oo uu ku dhintay askari saddexaad oo Israa’iili ah.

Milateriga Masar ayaa sheegay in askari ka tirsan ilaalada xuduudka Masar uu ka soo tallaabay xayndaabka ammaanka xuduudka, kadibna ay rasaas is weydaarsadeen ciidamada Israa’iil, xilli uu baacsanayay dadka daroogada ka ganacsada. War qoraal ah oo ay soo saartay ayaa lagu sheegay in ciidamada ilaalada xadka Masar lala dilay saddex askari oo Israa’iili ah.

Hecht waxa uu sheegay in baadhitaan la samaynayo iyada oo si buuxda loola kaashanayo ciidamada Masar. Waxa uu sheegay in ciidamada ay ku raadjoogaan rag kale oo ay suuragal tahay in ay weeraraan.

Waxay ahayd xabadii ugu horeysay ee dhimasho sababtay oo ka dhacda xadka Israel iyo Masar muddo toban sano ah.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in askarta la dilay mid ka mid ah ay ahayd haweeney.

Dembiilayaasha ayaa mararka qaarkood ka tahriibiya maandooriyaha xadka, halka kooxaha islaamiga ahi ay sidoo kale ka hawl-galaan waqooyiga Sinai ee Masar. Israa’iil iyo Masar waxay saxiixeen heshiis nabadeed 1979-kii waxayna ilaashadaan xidhiidh dhow oo dhanka ammaanka ah. Dagaalada ka dhaca xadka ay wadaagaan waa naadir.

Rasaasta la is weydaarsaday ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhacday agagaarka xadka Nitzana ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Masar. Ka gudubka ayaa ku yaal meel qiyaastii 40 kiiloomitir (25 mayl) koonfur-bari ka xigta meesha ay isku yimaadaan xudduudda Israa’iil ay la wadaagto Masar iyo Marinka Qaza. Waxa loo isticmaalaa in laga soo dejiyo badeecadaha Masar u socda Israa’iil ama Marinka Gaza ee ay Xamaas maamusho.

Israa’iil ayaa xayndaab ka dhistay xudduudda daldaloolada ah toban sano ka hor si ay u joojiso gelitaanka muhaajiriinta Afrikaanka ah iyo dagaalyahannada Islaamiga ah ee ka hawl-gala saxaraha Siinay ee Masar.

Leave a Reply