Zimbabwe: Shandadaha gacanta oo lagu muransan yahay

0
211

Aqalka madaxtooyada ee Zambia ayaa iska fogeeyay eedeymaha ah in haweenka laga mamnuucay in ay boorsooyin ama Shandadaha gacanta u soo qaataan shaqadooda.

Tani waxay daba socotaa cabasho ku saabsan “tallaabooyin amniga oo oo laga arkay dhacdo dhowaan ka dhacday guriga rasmiga ah ee madaxweynaha.

Grace Sinkamba, oo ka tirsan Golaha Isku xidhka Hay’adda Jinsiga ee aan dawliga ahayn, ayaa sheegtay in ay ka dhigan tahay takoorid ka dhan ah haweenka iyo gabdhaha.

Laakiin af hayeenka aqalka qaranka Clayson Hamasaka ayaa sheegay in aanay jirin qof dumar ah oo loo diiday in ay gasho dhismaha “oo ay ugu wacan tahay shandad gacmeed”.

Waxa uu sheegay in kuwa diiday in boorsooyinkooda la baadho ay lumiyeen xuquuqdii ay u lahaayeen inay galaan.

 

 

Leave a Reply