Dowladda Hoose oo Baneysay 10 Jid oo ku yaala Xaafada Faluuja ee Degmada 31-ka May

0
232

Hargeysa (Dawan) Dowladda hoose ee Hargeysa ayaa ku hawlan bannaynta toban waddo oo ku yaala Xaafada Faluuja ee degmada 31-ka May, waxaanay masuuliyiinta dowladda hoose ee goobaha waddo bannayntani ka socoto gacanta ku hayaa ay sheegeen in qaarkood ay xaafado deganaayeen, halka qaarna Geedka Garanwaaga iyo Tiinku xidhay iyo kuwa ay daadadkii roobabka Gu’gu gooyeen.

Geesta kale waxa ay ay intaas ku dareen masuuliyiinta dowladda hoose ee degmada 31-ka May, in qorshahoodu yahay in waddooyinkaasi ay ka dhigaan kuwa gaadiidka iyo dadku adeegsan karaan, waxaanay intaas raaciyeen in jidadkan oo aan muddo dheer la adeegsan ay imika u muuqdaan kuwa la istimcaali karo.

Sidoo kale waxa ay xuseen in xaafadaha hoos taga degmada 31-ka May ee magaalada Hargeysa, in labadii sano ee u danbeeyay uu ka socday horumar balaadhan oo xagga waddooyinka.

Gaba’gabadii waxa ay fariin u direen bulshaweynta degmada 31-ka May, waxaanay ka codsadeen inay bixiyaan cashuuraha ku waajibay, iyaga oo tilmaamay in cashuurtu ay tahay ta loogu shaqaynayo isla markaana waddooyinka loogu dhisayo.

Dowladda hoose ee Hargeysa ayaa labadii sano ee u danbeeyay ku hawlaneyd banaynta iyo dib u dhiska jidad badan.

 

Leave a Reply