Cuntooyinka u Fiican Hurdada ee Sahla qofku in uu sifiican u seexdo

0
391

Xubinta labaad ee  barnaamijkeena caafimaadka todobaadkan aynu ku soo qaadan doona cuntooyinka u fiican ee qofka u sahlaya in uu qofku hurdo fiican seexdo.

Waxaa jira cunnooyin badan oo Alle ku abuuray walxo u wanaagsanhurdada.

Halkaan waxaa ku soo aruurinay kuwa ugu fiican ee kaa caawin kara inaad seexato hurdo tayo leh.

Lawska.

Lawska nooca walnuts-ka waxaa ku jira barootiin loo yaqaanno “tryptophan” kaas oo ka qayb qaata soo saarista hormoonnada “melatonin” iyo “serotonin” oo ku shaqo leh hurdada.

Lawska almonds.

Lawska almonds wuxuu qani ku yahay macdanta magnesium oo caawisa daaweynta hurdo la’aanta, waxa kale oo uu qani ku yahay barootiin caawiya nidaaminta heerka sonkorta dhiigga ee qofka xilliga uu hurdo.

Maadooyinka “tryptophan” iyo magnesium ee ku jira almonds-ka waxay dejiyaan murqaha, taas oo muhiim u ah hurdada.

Lawska.

Sida daraasadaha qaarkood ay tilmaamayaan, lawska nooca pistachios-ka waxaa ku jira magnesium, barootiin iyo fitamiin B6 oo hagaajiyahurdada.

Khudaarta caleemaha cagaaran.

Khudaarta caleemaha cagaaran sida koostada iyo kaabash caleenka (kale) waxaa ku jira macdanta kalshiyaam taas oo maskaxda ka caawisa barootiinka tryptophan si ay u soo saarto hormoonka melatonin.

Ansalaatada.

Ansalaatada oo lagu darsado cashada waxay soo dedejisaa hurdada, sababtoo ah waxaa ku jirta maado lagu magacaabo “lactucarium” oo leh awood hurdosiin.

Kalluunka.

Fitamiin B6 waa fiitamiinka hurdada, maadaama jirku ugu baahan yahay soo saarista melatonin iyo serotonin.

Wuxuu fitamiinkani uu qofka ka caawiya inuu si dhakhso ah u gam’o, waxaa laga helaa kalluunka tuunada iyo salmoonka, waxaa kaloo laga helaa toonta qaydhiinka ah iyo lawska pistachio.

Dufanka omega3 ee ku jira kalluunka waxaa lala xidhiidhiyaa inuu wanaajiyo hurdada.

Sidoo kale, wuxuu dufankani u wanaagsan yahay caafimaadka wadnaha iyo maskaxda.

Cabitaanka cherry-ga.

Hal koob oo cabitaanka midhaha cherry-ga ah wuxuu kuu fududeyn karaa inaad si dhakhso ah u gam’ado.

Midhahaani waxay si dabiici ah u kordhiyaan heerka melatonin-ka, Daraasad lagu sameeyay dad qaba cillada hurdo la’aanta ayaa la arkay in hudadoodii ay soo hagaagtay kadib markii si joogto ah loo siiyay cabitaanka midhaha cherry-ga.

Boorashka.

Boorashku waxa uu jirka ka caawiyaa in uu soo saaro maadadda muhiimka ah ee insulin, taas oo caawisa in sonkorta jidhku si dabiici ah kor ugu kacdo.

Sidoo kale boorashku waxa uu hodan ku yahay hormoon jidhka ka caawiya nidaaminta hawlihiisa iyo in uu hawl kasta waqtigeeda u go’an dareen maskaxeed u yeesho.

Shaaha chamomile.

Shaahaan wuxuu baabi’iyaa welwelka, wuxuuna soo dedejiyaa hurdada, shaaha chamomile wuxuu kordhiyaa maado kiimikaad oo lagu magacaabo “glycine” taas oo dejisa dareen-sideyaasha iyo murqaha, islamarkaana u shaqaysa sida hurdo-siiye.

Shaaha chamomile wuxuu ugu horreeyaa shaahyada u fiican hurdada, wuxuuna kor u qaadaa tayada hurdada.

Caano diirran.

Caanuhu waxay kaa caawinayaan in hurdo ku qabato oo aad dhakhso u gam’ado,  waxay hodan ku yihiin asiidhada Amino ee “tryptophan” oo ka qayb qaata soo saarista maado kale oo lagu magacaabo serotonin oo qof ku abuuraysa xasilooni badan.

Macdanta kalsiyaam ee ku badan caanaha waxay yaraysaa walwalka waxay dejiyaa maskaxda, waxay macdantaani gacan ka gaysataa soo saarista hormoonka melatonin.

Haley iyo argoosatada.

Cunnada badda sida haleyga (shrimp) iyo argoosatada (lobster) waxay qani ku yihiin barootiinka “tryptophan” oo wanaajiya hurdada.

Waxaa la ogaaday in dadka cuna cunnooyinkan ugu yaraan hal mar toddobaadkii ay helaan hurdo wanaagsan habeenkii, shaqada maskaxdoodana ay wanaagsanaato subaxa xiga.

Bariiska cad.

Cilmi baadhis uu sameeyay joornaalka nafaqada iyo caafimaadka ee dalka mareykanka ayaa lagu arkay in dadka ku casheeya bariiska nooca loo yaqaanno “Jasmin rice” ay si dhakhso u seexdaan marka loo barbardhigo dadka cuna noocyada kale bariiska.

Malabka.

Malqacad yar oo malab ahi waxa ay maskaxda ka caawisaa xasilidda waxayna jidhka ka saartaa maaddooyinka kiimikaad ee sababi kara hurdo la’aanta.

Sidoo kale, malabku wuxuu joojiyaa qufaca taas oo kaa saacidaysa inaad si fiican u seexatid xittaa marka aad jirran tahay.

Xigasho: Daryeel Magazine.

Leave a Reply