Isku Dayga Guusha Ha Joojin! Tijaabada Sayniska Ah!

0
298

Nin Saynis yahn oo ku takhasusay cilmiga bayoolajiga badda ayaa sameeyay Tijaabo, waxaana u soo qaaday Libaax badeed uu ku riday berkad biyo, waxa kale oo uu kula riday koox kaluun yar yar ah si u u raashin uga dhigto Libaax badeedku.

Sidii la filayey,  Libaax badeedka ayaa weeraray Kaluunka yaryar isla markiibana waa uu wada cunay.   Saynis yahanka ayaa intaasi ka dib sameeyay kala soocidda Libaax badeedka iyo Kaluunka waxa uu dhex dhigay Muraayada adag oo ka samaysan quraarad, iyadoo laba qaybood oo isleeg uu ka dhigay.

Kalluunka dhinac ah iyo, libaaxa oo isna dhinac kale ku jira laakiin isku muuqda. Libaax-badeedkii ayaa isla markiiba weeraray, laakiin markan waxa ay ku dhacay muraayadd adage e u dhaxaysa.

Laakiin si aad ayuu u dadaalay sidii uu u gaadhi lahaa Kaluunka, iyadoo kalluunkii ay si deggan oo ammaan ah u dabaalanayeen.  Dhowr saacadood markii ay waxab uga suurageli waayeen waxa quustay Libaax-badeedkii oo iska fadhiistay.

Laakiin tijaabada oo socotay dhow toddobaad marka kasta waxa uu isku deyayay Libaax badeedku in uu weeraro kaluunka, laakiin maalinba maalintaka danbaysa waa uu sii yaraanayay weerarkiisu.

 

Markii ay dhowrka toddobaad waxab auga suurtgeli waayeen Libaax badeedku waa uu ka tanaasulay weerarkiisii.

Saynisyahnak ayaa ka saaray muraayaddii intasi ka dib oo dib isugu furay laba qaybood. Laakin libaax badeedku waxba ma  weerarin markan, maadaama uu si buuxda ugu qanacay xayndaabka aan muuqan ee u dhexeeya isaga iyo kalluunka yaryar, iyo in aanu gaadhi Karin kaluunka.

Waxa aynu ka barnayna tijaabadan: In Dad badan ayaa si buuxda u luminayaan rajo ka dib markii ay dhawr jeer ku guuldareysteen, sida tijaabada gaaban ee libaax badeedka. Markaasi ayuu aaminaya sida libaax badeedka in aanu weligii guulaysanayn

Waxaan maskaxdeena ku dhisnaa caqabado mala-awaal ah, oo laga yaabo inayna sii jiri Karin oo lagu gudbi karayo. Weligaa ha joojin isku dayga, guushu waxa laga yaabaa inay kuu jirto hal tallaabo oo keliya

 

Leave a Reply