Xikmadaha Maanta

0
199
  • Tuugu wuxu ka xadaya alaabta laakiin beenaluhu wuxu ka xadaa Maskaxda
  • Cadaanka macanihiisu maaha qurux waayo Kafantuba waa cadaan, Madawga laftiisuna maaha foolxumo waayo dhagaxa kacbaduba waa madow.
  • Qofka quruxdiisa ma aha muuqaalkiisa iyo sida u muuqdo, quruxdiisu waa akhlaaqda
  • Hadii codka dheer rag lagu noqon lahaa Eyguna wuxu noqon laha Madax
  • Haka werwerin waxay dadku kugu sheegayaan waayo waxaad tahay aadame gef badan.
  • Ma jeclid in qaladka kaa dhaca in laguu saxo si adag. Adiguna iska jir arinkaasi.
  • Waxa badan haku mashquulin fikirka arin dhib kugu haysa, laakiin Allah weydiiso dhenbi dhaaf, maxaa yeelay denbi dhaafku wuxu furaa alabaabo aanu fikirku furin.

Leave a Reply