Socodka Dhulka Iyo Faa’iidoyinkiisa!

0
378

Mr. Michelle Stephenson ah aqoonyahan physic ayaa magaalada London ka cadeeyay in haddii dhulku uu joojiyo wareegiisa caadiga ah si kediso ah in hawada ku wareegsan (atmosphere ) ay ku sii socon doonto xawaarihii uu ku socday mid la mid ah oo dhan 1670 Km/h iyadoo khali wareegaysa.

Aragtida Michelle ayaa cadaysay in xawaarahaasi Hawada Atmosphere-ka  ee iska khali wareegyaa uu sababi doono in shay kasta oo dhulka guudkiisa joogaa uu waayayo awoodiisa., waxaana uu intasi raaciyay in saacado yar gudahood ku dhimanayaan balaayiin noolaha dunida guudkeeda ku nool. Aadamiga ayaa isna sida rasaasta u qarxaya ayuu yidhi.

Waxaana bilaabmaya dabaylo duufaano ah oo keenaya qarxayo iyo dab ka holca badaha iyadoo mudadaasi maalinta iyo habeenkuba ay ka dheereenayn wakhtigoodii hore ee ka dhalan wareegga dhulka.  Waxaana dhulku isu bedeli doonaa goob aan nololi ka suurtgelayn ayuu yidhi aqoonyahanku. (Rt.news).

Leave a Reply