Africa Science Week oo 11 Waddan oo Somaliland Ku Jirto oo Bilaabmay

0
284

Hargeysa (Dawan)- Munaasibad ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin xukuumada, martisharaf kale oo lagu xusayey todobaadka Sayniska Afrika (Africa Science Week) ayaa shalay lagu qabtay caasimada Hargeysa.

Munaasibadan oo shan maalmood socon doonta isla markaana aqoonyahano Qaarada Afrika hindisaheeda bilaabeen sannadkii 2020 ayaa markii koowaad dalku nasiib u helay inuu qeyb ka noqodo wadamada laga xusayo.

Masuuliyiin kala duwan oo madasha ka hadlay ayaa sheegay muhiimada Sayniska iyo horumarka dal walba u leeyahay iyo sida loogu baahan yahay in bulshadeenu ka faa’iideystaan aqoonta sayniska iyo xisaabta.

Ururka AIMS oo soo qabanqaabiya munaaisbada Africa Science Week ayaa xarumo ku leh dalalka Koonfur Afrika, Ghana, Tanzania, Cameron, xaruntiisa koowaad waa Rwanda, magaalada Kigali, ayaa ka shaqeeya kor-u-qaadista aqoonta sayniska iyo xisaabta iyo injineeeriska ee shucuubta Afrika.

Qaarada Afrika oo hodan ah ayaa wadamada horumaray ka taageerayaan sidii aqoonta dadkeeda ee sayniska iyo xisaabta kor loogu qaadi lahaa, si ay uga faa’iideystaan.

Gudoomiyaha Xarunta dhaqanka Dr Jama Muuse Jama oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in bulshada Afrika fursad u haysato inay horumarka socda la jaanqaadaan, isla markaana ka faa’iideystaan dhismaha aqoontooda sayniska iyo xisaabta.

Wasiirka Tiknoolajiyada Md. Cabdiweli Sheekh Cabdillahi Suufi oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in ummad walba ay ku horumaraan sida ay uuga faa’iideystaan Sayniska.

Leave a Reply