Wasiirka Warshadaha JSL oo Kormeeray Qaar ka mida Warshadaha Dalka

0
234

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo warshadaha JSL, Cabdi Cismaan Dhaga-wayne iyo masuuliyiinta waaxyaha wasaaraddaasi ayaa kormeer shaqo ku soo maray qaar ka mid ah warshadaha wax-soo-saar ee Dalka.

Wasiirku warshadaha wax-soo-saarka ee uu soo kormeeray wax aka mida Adko, Ila Taango, Tayo Plastic iyo sidoo kale warshadii Kabka Hargaysa oo hadda hawl gab ah.

Kormeerka ayaa daaranaa indho indhanayn sida ay hawluhu u socdaan iyo is-barasho, madaama uu wasiirku ku cusub yahay wasaaradda inay is arkaana ay mihiim tahay masuuliyiinta qaar ka mida warshadaha wax-soo-saar ee dalka.

Kormeerkan shaqo waxaa wasiirka ku wehelinayey agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda oo kala ahaa agaasimaha waaxda warshadaha Fu’aad Rashiid Bullo, agaasimaha waaxda gobollada ee wasaaradda Sakariye Maxamed Axmed, agaasimaha waaxda bad-qabka warshadaha iyo injineer ka socday waaxda wershadaha ee wasaaradda.

Wasiirka ayaa masuuliyiinta warshadaha wax-soo-saarka dalka ku booriyay inay xoojiyaan tayadda wax-soo-saarkooda, sidoo kale masuuliyiinta shirkadaha ayaa soo dhaweeyay talada wasiir wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland kuna bogaadiyay booqashada uu soo booqday.

Gebo’gabadii wasiirka wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha iyo masuuliyiinta warshadaha wax-soo-saar dalka ayaa isla qaatay in dhinac looga soo wada jeesto sidii loo horumarin lahaa wax-soo-saar Warshadaha iyo tayantooda.

Wasaaraddaha horumarinta warshdaha ayaa markasta ku hawlan dhiirigelinta iyo tallo siinta warshadleyda dalka.

 

 

Leave a Reply