Wasiirro Kormeerka Wacyigelinta Kaadhka Qaadashadda Ku Soo Marray Togdheer iyo Saraar

0
264

Caynaba (Dawan): Wefti isugu jira wasiirro, iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer iyo wacyigelin la xidhiidha kaadhka codbixinta ku soo maray degaamo ka tirsan Togdheer, iyo Saraar.

Weftigan oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa kormeerkoodda waxay ku soo mareen degaamo ka kala tirsan goboladda Saraar, iyo Togdheer.

Waxaana weftigan xubno ka ah wasiirka Cadaaladda Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed, agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta C/kariin Aadan Cadde, iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Tignoolajiyadda, iyo Is-gaadhsiinta Somaliland Yuusuf Warsame Xasan.

U jeedadda safarka iyo kormeerka weftigaasi ayaa la xidhiidhay sidii bulshadda ku dhaqan deegaamada ay soo marayeen ay ugu wacyi-gelin lahaayeen qaadashadda kaadhka codbixinta.

Qaadashadda kaadhka codbixinta ayaa ka socota goboladda Togdheer, oo Saraar na uu ku jiro, gobolka Maroodijeex, iyo degmooyinkiisa.

Deegaamadii ay weftiga wasiirrada ah kormeerka ku soo mareen waxaa ka mid ahaa Fiqi-ayuub, Ceelal, Samakaab, Gumburro, Xaangeeyo, Dhanaano, Gadh-gumreed, War-idaad, Balaadhis iyo degaamo kale oo ka kala tirsan goboladda Saraar, iyo Togdheer.

Waxaanay weftigan wasiirrada ah bulshadda deegaamadii ay mareen ay ku boorinayeen in ay kaadhka codbixinta qaataan, isla markaana ay ka faa’iidaystaan maalmaha kooban ee ay soconayso hawsha kaadh bixintu.

Sidoo kale masuuliyiinta weftiga ahaa ayaa dadweynaha deegaamadda ay marayeen waxay ku dhiiri gelinayeen in ay qaataan kaadhka codbixinta. Iyagoo na meelaha fagaareyaasha ay kala hadlayeen una sheegayeen muhiimadda uu leeyahay kaadhka codbixintu.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka oo la hadlay bulshadda deegaamadii ay mareen ayaa dadweynaha ku adkeeyay in ay kaadhka codbixinta qaataan.

Waxaanu wasiirku bulshadda u sharaxay muhiimadda uu leeyahay kaadhka codbixintu, kuwaasoo ay ka mid tahay in marka la gaadho xiliga doorashadda in ay dadweynuhu iyagu awood u leeyihiin in codkoodda ay ku doortaan cidii ay u arkaan inuu horumar gaadhsiinayo qaranka.

Geesta kale weftigan uu hogaaminayo wasiirka Dastuurka Somaliland ayaa intii ay ku guddo jireen safarkoodan kormeerka ahaa waxay kulamo la qaateen madax dhaqameedka, waxagaradka, odayaasha, iyo qaybaha kale ee bulshadda, kuwaasoo ay ka xog waraysanayeen xaaladda deegaanka, iyo waxyaabaha ku soo kordhay.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply