Wasiirka Xannaanada xoolaha oo Kormeeray Xoolo ka Dhoofaya Dekadda Berbera

0
304

Berbera (Dawan) Wasiirka wasaaradda xannaanadda xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysiga Somaliland Mudane Siciid Sulub Maxamed, ayaa kormeer shaqo ku tagey dekadda magaalada Berbera oo ay ka dhoofayeen xoolihii loogu talo galay ciida arafo.

Wasiirka oo ukuurgalayay habsami u socodka xoolaha nool ee ka dhoofaya dekadda, ayaa indhihiisa ku soo arkay calafka iyo caafimaadinta xoolaha loogu talo galay iyo sida fiican ee dhoofka xooluhu uga socdo dekadda.

Wasiir Siciid Sulub Maxamed ayaa dekadda magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, kula kulmay Markab iyo afar Doonyood kuwaas oo xalay ka dhoofayay dekadda, isla markaana siday xoolihi ugu badnaa.

Wasiirka ayaa shaqaalaha dekadda iyo ganacsatada xoolaha ku boggaadiyay sida ay ugu hawlan yihiin daryeelka xoolaha ka dhoofaya dekadda.

Gaba’gabadii wasiir Siciid ayaa sheegay in Laf-dhabarta dhaqaale ee Somaliland ku tiirsan yahay ay yihiin xoolaha nool, waxaanu bulshada xoolaha dhaqatada ka codsaday inay ka shaqeeyaan daryeelkooda iyo hagaajintooda.

 

 

 

Leave a Reply