Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee JSL oo ka hadlay Tartan Caalami ah oo lagu Qaban Doono Hargeysa

0
308

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland Maxamed Xasan Nageeye ayaa ka hadlay ahmiyada uu dalka uu leeyahay tartanka caalamiga ah ee Hargeysa International Maraton.

Guddoomiye Nageeye waxaa uu bulshada ku nool magaalada Hargeysa uu ka codsaday in ay kaalintooda ka qaataan dhiirigelin iyo taageerana u muujiyaan dhallinyarada muwaadiniinta ah ee tartankaas ka qayb qaadanaya.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in tartankani faa’iido gaar ah u leeyahay wadanka, waxaanu xusay in toban ka mida dalalka Qaarada Afrika ay ciyaartoydoodu iman doonaan iyo Masuuliyiin ka socota xidhiidhada qaaradda Afrika, kuwaas oo dalka ku iman doona casuumad iyo marti qaad ka heleen masuuliyiinta xidhiidhka ciyaaraha fudud Somaliland.

Geesta kale waxa uu tilmaamay in xidhiidh wada shaqeyneed ay yeelanayaan masuuliyiinta xidhiidhada tobankaas dal, halka sidoo kalena guddoomiyuhu xusay in calanka qaranka Somaliland laga dul taagi doono dalal badan oo caalamka ah iyo in si fudud loo heli doono ciyaar yahano magaca dalkeena kaga soo qeybqaadan doona ciyaaraha fudud.

 

 

 

 

 

Leave a Reply