Dirirta Laascaanood iyo Duruusta Laga Bartay Hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi

0
204

Qalalaasaha iyo dagaalka ay shantii bilood ee la soo dhaafay huwantu ay ka riday Magaalada Laascaanood, waxa laga korodhsaday duruufo iyo duruus waayahooda leh xilli ay sannadkan Somaliland ka baxayso dalcado dhaadheer oo siyaasiyiinta kashka nuguli ay ku dhawaadeen heer ay quus muujistaan.

Sidoo kalena, dirirta Laascaanood waxay ina bartay shakhsiyadda aan gallowda aqoon ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hoggaamintiisa ku soo bandhigay karti siyaasadeed iyo qorshe difaac oo lagaga gaashaamanayo gullufka ay JSL ku soo qaadeen Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, kooxo ka soo horjeeda Somaliland oo u dhashay gobolka iyo maleeshiyaad sita shaadh qabiil oo ka kala yimi deegaanno kala duwan iyo kooxaha argagixisada ah. qodobbada laga bartay Madaxweynaha waxa ay kala yihiin:

1)- Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu gaadhay go’aamo waaweyn, isagoo adeegsanaya khibradiisa guunka ah ee ciidannimo wuxuu qaatay qaraar adag wuxuuna si xeelad leh ciidanka Qaranka uga soo saaray dhawr aag, oo ay ka mid tahay Magaalada Laascaanood. Iyadoo quwadii ciidanka la isku geeyay meelo 4km u jirta Laascaanood oo ay ka mid tahay xerada istaraatajiga ah ee caanka noqotay ee Goojacade.

2) Wuxuu xili horeba uu aad u xoojiyay Gaadiidka, saadka iyo saanadda ciidanka, taasi oo mar walba ciidanka qaranku ay lahaayeen gacanta sare ee dhammaan weeraradii lagu soo qaaday.

3)- Madaxweynuhu wuxuu innaga baajiyay inuu gobolka Sool iyo guud ahaan dalka ku soo rogo xukun degdega, maadaama oo lagu soo duullay, waxaanu si dhiiranaan leh miiska u saaray dhaqaalihii lagu fuliyay hawsha kaadh qeybinta codbixiyeyaasha ee Arbacadii hore la soo gabo-gabeeyay.

Madaxweyne Biixi waxaa uu go’aamiyay in sannadkan gacanta midig lagu difaaco dalka, gacanta labaadna lagu galo doorashooyinkii Ururrada Siyaasadda ee ay ku soo baxayaan saddexda xisbi qaran ee cusub iyo doorashadii madaxtooyada oo labada loo heensaysanayo inay qabsoomaan.

Arrimahaasi oo aanay isku wadi kareen siyaasiyiin badan oo maanta hungureynaya talada dalku.

4)- Madaxweynuhu wuxuu kooxaha isku bahaystay dalkiisa tusay in aanay JSL ahayn bogcad cadowgu si fudud u soo haweysan karo.

5)- Waxa kaloo uu dedaal diblomaasiyadeed ka sameeyay dalalka mandaqada ay ku taalo Somaliland oo iyagu si dhow ula socday xaaladda.

6)- Waxa kaloo uu dalalka shisheeye u muujiyay in aanu ahayn mid wax loo yeedhin karo. Isagoo si joogto ah ugu baaqa in mustaqbalka laga kaaftoomo yaboohda shisheeyaha.

Dagaalkani waxa uu rayul-caamka bulshada Somaliland ku mideeyay maankoodii kala qeybsanaa, waxase qaran ahaan inala gudboon inaynu juhdi gelino inay dadka reer Sool loola gaadhi lahaa wadahadal, iyadoo kooxaha soo duullayna laga baacsanayo ciidda Somaliland.

Ugu dambeyn, waxa mucjisooyinka loo soo joogay kamid ah Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni oo ka mid ahaa xooggaga dagaalka ka wada Laascaanood oo balaayadii uu la rabay Somaliland ka bilaabantay gondihiisa, wuxuuna Garoowe ku sahayday nolosha sodameeye ruux, taasi oo muujisay nusqaamihiisa maamul jaro baradka ah iyo damaciisa indho la’aanta ah waxaan leeyahay “Maandhoow Ixsaan lagama tago eed haddaad fali”

 

 

 

 

Leave a Reply