Wasaaradda Khaarajiga oo shacabka Iyo caalamka la wadaagtay taariikhda 26-ka June

0
227

Hargeysa- Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamka ayaa shaaca ka qaaday inay shacabka iyo bulshada caalamka la wadaagi doonto taariikh ku saabsan 26 June, maalintii madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 1960-kii ka qaadatay Maxmiyaddii Ingiriiska.

Qoraal Wasaaradu ku baahisay baraheeda ayey ku sheegtay “Todobaadkan waxa aanu bilaabaynaa dabaal-degga sannad-guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimada ka qaadatay Ingiriiska.

Wasaarada Khaarajiga ayaa shaacisay inay maalmaha soo socda la wadaagi doonto bulshada iyo caalamka taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland, laga soo bilaabo Maxmiyaddii Ingiriiska ilaa iyo markii ay xornimada qaadatay 26-kii June 1960-kii.

“Laga soo bilaabo aasaaskii dekedda Berbera ilaa dhismaha nidaamka biyaha Hargeysa, Ingiriisku waxa uu horumar la taaban karo ka sameeyey kaabayaasha dhaqaalaha muddadii ay Somaliland joogeen.” Ayey Wasaarada Khaarajigu ku sheegtay fariimo ay baraheeda ku baahisay oo muuqaalo wehelinayeen.

Dhinaca kale bulshada reer Somaliland ayaa guddo iyo dibed barahooda maalmahan ku baahinaya fariimo iyo muuqaalo ka hadlaya taariikhdii Jamhuuriyadda Somaliland wakhtigii Maxmiyaddii ingiriiska.

Guud ahaan xukuumada iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si ka balaadhan sannadahii hore u xusaya munaasibada 63-guurada maalinta xornimada Somaliland ee 26 June, 1960-kii.

 

 

 

Leave a Reply