Xukuumadda Somaliland oo soo Af-jartay Shaqaaqo ka Dhacday Daarasalaam

0
291

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa heshiish ku soo dhamaysay shaqaaqo horey uga dhacday degaanka Daarasalaam ee Waqooyiga Hargeysa, dhacdadaas oo ay ku dhinteen laba Marxuum.

Kulanka heshiishkan ayaa ka qabsoomay xafiiska guddoomiyaha gobolka Maroodi Jeex Maxamed Cilmi Axmed, ayaa lagu saxeexay heshiish lagu dhameeyey dhacdadii degaanka Daarasalaam, iyagoo labada dhinac kagaga heshiiyey labada Marxuum in ay kala qaataan Magaha.

Xukuumadda, Waxgaradka labada dhinac ayaa ka shaqeeyay heshiiskan beelaha walaalaha ah ee ay shaqaaqadu ku dhexmartay degaanka Darasalaam oo dhanka Waqooyi ka xigga magaalada Hargeysa.

Inta badan shaqaaqooyinka dhaca ayaa salka ku haya isqabqabsiga dhulka, gaar ahaan dhul daaqsimeedka.

 

Leave a Reply